Tuesday, 16 April 2024
7146 Views

War Deg-deg ah: Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Roble oo geeriyooday

____________________________________________________________________________

Odayaasha-Gobalka-Hiiraan-17

Muqdisho, 03 January 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiraan, ayaa sheegaya in uu geeriyooday Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble kadib markii uu wadnaha istaagay.

Sida laga war qabo. Ugaas Cabdraxmaan ayaa la sheegay in uu saaka ka qeybgalayay kulan muhiim ah ka hor inta uusan geeriyoon, Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo xarun u ahayd Ugaaska, ayaa saaka waxa ka socota tacsi iyo baroordiiq.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Xukuumada, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo saaka ku geeriyooday magalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif waxa uu ahaa shaqsi waqtigiisa ugu badan galiyay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ummadda, waxa uuna saaka geeriyooday isaga oo ka qeybgalaya shirka Nabadda ee Samadoon” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment