5916 Views

Ciidanki Itoobiya ee uu sida gaarka ah u dalbaday Axmad Madoobe oo gaaray Kismaayo.

____________________________________________________________________________

Ciidanki Itoobiya ee Axmad Madoobe u yeertay

Muqdisho, 04 January 2016: Waxaa shalay oo Axad ahaid ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo diyaarado siday Boqolaal Askari oo u dhashay dalka Ethiopia isla markaana anan ka tirsaneeyn AMISOM balse uu keensaday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. C/llaahii Sheekh Ismaaciil Fartaag, ku xigeenka Axmed Madoobe, Wasiiro & Saraakiil Ciidan ayaa kusoo dhaweeyay Ciidamada Ethiopia Magaalada Kismaayo, waxaana ay uga mahadceliyeen imaanshahooda. Ciidanka Ethiopia ayaa tageistooda Kismaayo waxay ka danbaysay kadib markii uu maalin dhoweed Axmed Madoobe safar ku tagey Addis Ababa, halkaasi oo uu kula soo hadlay Madaxda Ethiopia in ay Ciidan gaar u ah Maamulkiisa,geeyaan Jubbaland. Sagaal Sano kahor ayeey ahaid marki ciidaman ka socda Itoobiya la geeyay Kusmaayo, si ay ula dagaalamaan Maxkamadihii Ismaaliga ee ka talin jiray Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Ciidanka Itoobiya ee hada Kiamaayo la geeyay ma aha mid la isku raacsanyahay, oo dad badan ayaa ka soo horjeeda kuwaas oo og in Axmad Madoobe uu doonaayo in Itoobiya Kursiga ku ilaaliso.

Halkaa Ka Daawo si ad uga bogato.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment