4827 Views

“IGAD dhex dhexaad kama ahan waxa ka socda Ceelbarde”

____________________________________________________________________________

Saransor-195x110

Muqdisho, 04 January 2016: Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Saransoor” oo ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaan gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku eedeeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka in ay xiisad ka abuureen qasna ay ku hayaan degmada Ceelbarde,halkaasoo dhowaan looga dhawaaqay Maamul ka soo horjeeda Koofur Galbeed.

Xildhibaan Saransoor ayaa sheegay inay u joogaan Xudur sidii ay u aadi lahaayeen Ceelbarde, isla markaana ay xal uga gaari lahaayeen xiisada ka jirta, loona baaji-lahaa colaadka ay Itoobiya iyo qaar u shaqeeya, ka wadaan deegaanadaas.

“Waxaa rabnaa inaan dhowaan u baxno Ceelbarde oo aan shacabka u sheegno inaan colaad laga dhex abuuran, halkaas waxaa tagay Xildhibaan xiisad ayayna ka abuureen”ayuu yiri Xildhibaan Saransoor oo intaa ku daray in Xildhibaanadaas ay qaab qabiil maamul uga dhawaaqeen deegaanka.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Urur Goboleedka IGAD in aysan dhex dhexaad ka aheyn waxa ka taagan Ceelbarde, isagoo tilmaamay in qaarkood ay mas’uul ka yihiin dhismaha Maamulka Bakool Sare, haba ugu horreeyso Dowlada Itoobiya.

“Ceelbarde dhibaato ayaa ka taagan, xildhibaanno qaran baa halkaasi tagay xiisad bay meesha ka abuureen qabiil ahaan bay u tageen, dadkii deegaanka lama aysan wada hadal oo dhibaato ayay ka wada dhex abuureen, degmada waala wada deggan yahay shaqsi ama qabiil kaliya maamul ma sameysan karo”ayuu yiri Aadan Saransoor.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku sugnaa Xudur loo diiday inay tagaan Ceelbarde, inkastoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay beeniyeen warkaas.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore kaga dhawaaqay Ceelbarde maamul loo bixiyay Bakool Sare, iyadoo maamulkaas Madaxweyne looga dhigay Axmed Mashruuc.

Maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde ayaa waxaa aqoonsaday Maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo Maamulka Koofur Galbeed uu si kulul uga soo horjeestay, kuna tilmaamay maamul aan sharci aheyn. La yaab malaha in Gobollada qaar ay aqoonsadaan Maamulka cusub, sababtoo ah waxa ay gacan saar hoose la leeyihiin Dowlada Itoobiya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment