3504 Views

Qaban qaabada Aaska Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka socoto Beledweyne

____________________________________________________________________________

DCIM100MEDIA

Muqdisho, 04 January 2016: Warar ka soo baxaaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in Ugaaska lagu wado in lagu aaso inta u dhaxeysa Beledweyn iyo Buulo Burde, gaar ahaan deegaanka Daaro-Ugaas oo ku dhow Halgan, halkaasoo horay loogu aasay illaa 17 oday dhaqameedyo caan ka ahaa Hiiraan oo ugu dambeeyay Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Guddoomiye u ah guddiga qaban qaabada aaska loo sameynayo Ugaas Cabdiraxmaan ayaa kulamo la qaatay qeybaha bulshada ee gobolka Hiiraan.

Wafdi ka tirsan dowladda oo isugu jira Wasiiro, XIldhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo dhawaan ka baxay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo marxuumka kuwaas oo saacadaha soocda gaari doono Beledweyne.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment