6939 Views

Dowladda Soomaalia oo ku amartay Safiirka Iran inuu deg-deg isaga baxo Wadanka

____________________________________________________________________________

deg-deg21

Muqdisho, 05 January 2016: Warar ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladda ay ku amartay Safiirka Iran u fadhiya Soomaaliya inuu si deg deg ah dalka isaga baxo. Warkaan ayaa lagu sheegay in Sababta Safiirka Iran dalka looga saarayo, ay tahay in Dowladda Federaalka u muujiso midnimo dalka Saudi Arabia, oo beryahaan xiisado Siyaasadeed kala dhaxayso dowladda Iran, kadib markii safaaradiisa Tehran lagu gubay. War Saxaafadeed kasoo baxay Shalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa lagu cambaareeyay falkii lagu gubay Dhisamaha Safaaradda & Qunsuliyadda Saudi Arabia ee dalka Iran. Wararka Hoose oo  la helay ayaa sheegay in Gudiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Somalia uu aad uga soo horjeedo in Safiirka Iran laga cayriyo dalka Somalia, balse ay ku najaxi waaye.

Halkaan ka aqriso Bayan ku qoran Carabi oo  Shalay ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment