3810 Views

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo u digtay Askarta Dowladda

____________________________________________________________________________

maxkamad-620x264

Muqdisho, 05 January 2016: Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa uga digtay Askarta Dowladda inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute  oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda  Ciidamada Qalabka sida ay tallaabo ka qaadi doonto Askarta Dowladda ee  ka qeyb qaata Dagaal Beeleedyada.

“Annaga ka Maxkamad ahaan waxaa na quseeya waxaa waaye Dagaal Beeleedyada ma ka qeyb qaateen shaqsi ka tirsan ciidamada qalabka sida haddii uu ka qayb qaatay waxaan  ka qaadi doonnaa tallaabo cad Qof qaran ah inuu ka qeyb qaato dagaal Beeleedya waa arrin aan sharci ahayn, marka sidaa owgeed tallaabo sharciga waafaqsan ayaan ka qaadayna askarta dowladda haddii ay galaan dambiyada nuucaas ah”

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ay yaraadeen dilalka dadka rayidka loo geysanayo kaddib markii maxkamadda ay billowday in dadka  dilalka geysta Sharciga la marsiiyo.

“Dilka  qofka qof dilo oon ka baqin in sharciga la marsiiyo waa ay yaraadeen, xamar waxaa ka jirtay in maalin cad   iskaa daa dilee meydadka la afduubto, iyadoo dadka sidaas yeelanaya ay ka baqin in sharciga la marsiinkaro, waxaana maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda  ay billowday tan iyo markii ay howl billowday in dadkaas Sharciga la marsiiyo” Ayuu Yiri Markale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda ayaa ku howlan Baaritaanka in Dagaal Beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan in ay ka qeyb qaateen Askar ka tirsan Dowladda.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment