3651 Views

“Muqdisho waxaa ku soo badanaya dhul boobka lagu haayo dadka jilcan oo aan awoodda laheyn”

____________________________________________________________________________

XILDHIBAAN-PROF.-DALXA

Muqdisho, 05 January 2016: Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyay ay ku soo badanayeen dhulka laga dhacaayo dadka aan awooda laheyn ee dan yarta ah.

Prof. Dhalxa ayaa sheegay in xabsiyada magaalada Muqdisho ay ku xiran yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo loo awood sheegtay sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee xabsiyada ku jira ay yihiin kuwa dhulkooda boobka loo geysatay loona xoog sheegto.

“Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay maalmihii la soo dhaafay dhul boob, waxayna noqotay mid joogta ah, hadaa fiiriso Maxkamadaha Gobolka Banaadir waxaa arkeysaa waxa kaliya ee la isku heysto inay tahay dhul, gur dhisan dad degenaa 1960-kii, oo heysta Sabarloogadoodii ay dad kale ku sheeganayaan”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa oo wareysi siiyay Idaacada Goobjoog FM.

Waxaa uu sheegay in arrimaha dhul boobka ee ka jira magaalada Muqdisho uu sii laba kacleynayo, isagoo tilmaamay inay jiraan shacab xabsiga la dhigay, isla markaana guryahooda lagala wareegay.

“Inta badan dadka la dhibaateynayo ee loo awood sheeganayo waa dadka masaakiinta ah, waxaad arkaysaa maxkamad degmo qof ka soo qaadanayo rafcaan halkii uu maxkamadda gobalka ama midda sare u aadi lahaa, hadane maxkamadaha kulligood aanay ka muuqan cadaalad ama garsoor” ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Waxaa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo dhamaan cid walba ee ay arrimahan quseyso ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Xildhibaan Dhalxa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka inay si toos u booqdaan Xabsiyada ku yaalla Muqdisho oo uu tilmaamay inay ku jiraan dad aan dambi laheyn, isagoo ka codsaday inay Guddi soo baara waxa ka jira xabsiyada u magacaabaan, si looga hortago dulmiga iyo xad- gudubka lagu haayo dadka laga tira-badanyahay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment