3375 Views

Hogaamiyaha Jubbaland oo maanta ku wajahan magaalada Cadaado

Hogaamiyaha Jubbaland oo maanta ku wajahan magaalada Cadaado
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 06 January 2016: Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta laga yaabaa in uu tago magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, iyadoo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo ay ka socoto.

Booqashada Axmed Madoobe oo ah mid gaaban ayaa la sheegay in uu oofinaayo i balan qaad uu horay Maamulka Galmudug uga balan qaaday inuu soo booqan doono.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kula kulmo Cadaado C/kariin Xuseen Guuleed, iyagoo ka wada hadli doona arrimo dhowr ah.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay inay u diyaar garoobeen soo dhoweynta Madaxweynaha Jubbaland.

Mudane Madoobe ayaa bilo ka hor ka mid ahaa mas’uuliyiintii waan waanta u tagay Gaalkacyo ee ku guuleystay inay heshiis kala dhex dhigaan Puntland iyo Galmudug.

Axmad Madoobe isla maanta kaga gudbi doona Cadaado dhinaca Puntland, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono furitaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso oo beryahaan dad badan ay ku sii sicdeen ayada oo qarkood an la casumin. Furitaanka ayaa waxa kale oo ku lifaaqan sanad-guurada labaad ee ka soo wareegatay doorashadii Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment