141084 Views

CALANKA UGU CAANSAN ADUUNKA UGUNA QURUXDA BADAN.

CALANKA UGU CAANSAN ADUUNKA UGUNA QURUXDA BADAN.
____________________________________________________________________________

Sida lawada ogyahay Dowlad kasta waxay leedahay astaan lagu aqoonsado, astaan taasna waa CALANKEEDA, waxaad mar walba aragtaa marka aad dhexmarayso Caasimadaha aduunka Calan ka dul babanaya guri korkiis, marka aad kor u fiiriso waxaad isla markiiba aad aqoonsanaysaa dowlada degan gurigaas, hadii aad aqoon u leedahay calamada ka jira aduunkan.

Hadaba, hadal badani haan ma buuxshee, CALANKA ugu Caansan aduunka uguna  quruxda badan sanadkii dhamaday wuxuu noqday Calanka umada SOMAAALIYEED, waxaana daliil u ah sabaha soosocda.

Somaaliyey waxaan la hubini laysuma sheegee, Calanka Somaaliyeed wuxuu noqday midka mar walba ka dhex muuqda meelkasta oo ay isugu timaado umada Somaaliyeed, Calanka wuxuu noqday Calanka ugu caansan in ay Dumarka Somaaliyeed ka toshaan dharka ay ku labistaan, taansina waxay aad u shaacisay in ay warshado badan oo kuyaal dcalada aduunka ay sameeyaan iyagoo ku dul SAWIRA XIDIGATA shanta gees leh iyo ereyo gaagaaban oo isugu jira murti iyo taariikh ah Canbuurka dushiisa.

Xuruxda Calanka waxaa daliil u ah u ekaanshaha CIRKA iyo Xidigta oo ah Calaamad Alla abuuray, waxaan leeyahay halyeygii soo alifay Allow kuu Naxariiso.

Calanka Somaaliyeed waxaad ku arkaysaa mararka qaar banaan baxyada aysameeyaan dadka ajnabiga ee ka dhaca aduunka daafahiisa, waxaana sita dad Somaaliyeed oo ka soo qaygalay bananbaxaas hadii uu yahay mid lagu taagerayo Islaamka ama Xuquuqul adanaha. waxaa kaloo aan arkay dumar aan Somaali ahayn oo ku labisan oo leh waxaa isiisay Saxiibtay oo Somaali ah ” waan jecladay waa dhar Qurux”

Waxaa kaloo intaas dheer in dadka Somaaliyeed ay yihiin dadka ugu dhiiran aduunka in ay muujiyaan Magacooda iyo Diintooda, sababta aan taas u leeyhay waxay tahay, Somaali horteed Wadamada Horay umaray lagama Muujin jirin astaamaha lagu yaqaan dadka islaamka ah, sida labiska dumarka ama Xijaabka iyo Garka sunada ah ee ragu daystaan iyo Salaadaha oo lagu dukado Goobaha Shaqada ama Ganacsiga.

Mudo laga joogo waqti aad u dheer ayaan waxaan tagay Garaash lagu sameeyo Gawaarida ama Baabuurta, waxaa joogay Garaashka nin ay ku qorantahay dharkiisa MAIK Mohamed, Ninkii waxaan waydiiyey sababta uu ugu qortay magacaas Taagiisa,”wuxuu yiri waqtigii aan joognay anagoo dad yar oo muslimiin ah dalkan waxaan kabaqi jirnay in aan si cad u muujino Muslin nimadeen, laakiin markii Somaali timid marna waan farhay, marna aad ayaan uga xumaday magaca aan qortay, sababtoo ah, waxaan ku farxay in Somaalida ay muujisay magaca islaamka, waxaan ka xumaday magacayga oo ahaa magaca ugu SHARAFTA badan aduunka, uguna CAASAN ee ah (Mohamed SCW) in aan BEDELO Cabsi darteed”!!!!!.

Ugu dambayntii waxaan leeyahay “Fuliyow Guuli kuu dhawaydaa” dadyowga Islaamka ah ee nooga horeeyey Qurbaha in ay mujiyaan Astaantooda Muslinnimo, waxaan ula jeedaa, hadii ay ku adkaysan lahaayeen in ay muujiyaan magacooda waa awodeen ee Taladaa ka wareertay, waxaan aad ugu mahad celinayaa umada Somaaliyeed sida SHARAFTA leh ay u muujiyeen Calanka iyo Magaciisa, lakiin waxaan leeyahay haloo istaago sidii loo soo celin lahaa Wada jirkii Dalka iyo dadka, waayo Somaali waa dad wada dhashay, isdhalay, isuna dhaxay kana dhexeeyso DIIN iyo Walaalnimo aan marna kala go’i karin, Ninkii isku dayaa in uu Somaali kala geeyo waxaan leeyahay ” DOQONOW haku daalin  Somaali goor ay noqotaba waxaa Xaqiiq ah in ay soo Ceshan doonto Mid nimadeeda iyo Sharafteed.

Cumar Faarax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Leave a Reply to Anonymous Cancel reply