4368 Views

Dowladda Itoobiya oo muujisay danta ay ka leedahay Soomaaliya

Dowladda Itoobiya oo muujisay danta ay ka leedahay  Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 January 2016: Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay qorshaheeda ku aadan in ay sare u qaadayso ganacsiga ay la leedahay wadamada dariska ah, gaar ahaan Soomaaliya.

Gebiresilasie Gebiregziabiher oo agaasimaha guud ee machadka Ganacsiga Niil ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya, ayaa sheegey in wadamadani ay kala yihiin Soomaaliya, Sudan, Kenya, iyo Jabuuti.

Tusaale ahaan Soomaaliya oo kale, ganacsiga kala dhaxeeya waxa lagu qiyaasayaa 330 malyuun oo doolar, wuxuuna noqonayaa xadka ugu badan.

Ganacsigan ayaa waxaa qeyb ka noqonaya dhismaha kaabayaasha sida waddooyinka, qadadka tareenada iyo balaarinta dekedaha.

Itoobiya waxa ay heshiisyo ganacsi la leedahay wadamada Sudan oo ay la saxiixatay 2002-dii, Kenya oo ay la saxiixatay sanadkii 2012-kii iyo waliba Jabuuti , dhamaantoodna waxaa aad sare ugu kacay xaddiga ganacsiga.

Tusaale ahaan Sudan oo kale ganacsiga labada dal ka dhaxeeya waxa uu gaaray 184 milyan sanadkii 2014-tii, halka markii heshiiska la saxiixayay sanadkii 2002-dii uu ganacsiga dhanaa hal milyan oo kaliya.

Dalka Itoobiya ayaa waxa uu sanadihii dambe sameynayay horukac weyn oo xagga dhaqaalaha ah, iyada oo diirada la saarayay dhanka ganacsiga, taasoo ay rabto in ay Soomaaliya ugu soo dhawaato.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment