20904 Views

Ganacsiga Muqdisho oo laga dareemayo dhaq dhaqaaq ka wanagsan kii hore ee bilihii lasoo dhafay.

Ganacsiga Muqdisho oo laga dareemayo dhaq dhaqaaq ka wanagsan kii hore ee bilihii lasoo dhafay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 7, 2016 – Marka aad tagto Goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho oo laga dareemayo dhaq dhaqaaq Ganacsi oo ka wanaagsan bilihii la soo dhaafay.

Hadaba mar aan wax ka waydiinay shaqsiyaad kuleh goobo ganacsi magaalada Suqyada ugu waa weyn waxa ay noo sheegeen in ay dareemayaan isbedel xaga ganacsiga ah, iyagoo ay ka muuqato wayiyadooda farxad iyo rajo ganacsi ka wanaagsan bilihii ay soo dhafeen.

Ganacsiga qaybihiisa la sheegay in ay ugu dhaq dhaqaaq roonyihihiin ayaa kala ah MACIISHADA AMA RAASHINKA iyo QALABKA DHISMAHA, waana arin laga dareemayo magaalada.

hadii aan soo qadano Maciishada waxaad arkaysaa gawaari yar yar oo xamuulka lagu qaado oo daad guraynayo  maciishadaha kala duwan, sida Sokorta, Saliida, Burka, Bastada, Bariiska iyo wixii la mid ah.

qiimaha-raashinka-1

Mar aan wax ka waydiiyey arimahan wiil yar oo dukaanle ah wuxuu ii shegay” 7 beri ee ka baxday bisha Janaayo in ay ka wanaag santahay 2da bil ee kala ah Nov/December, marka loo fiiriyo waxa uu gaday 7daas beri.

Nin ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya DEKEDA Muqdisho, wuxuu ii shegay in ay jidka ku soo jiraan Doonyo iyo maraakiib wada Raashinka noocyadiisa kala duwan, mardhowna ay soo gaari doonaan Muqdisho.

Arinta mudan in lays xasuusiyo ayaa ah, raashin kasta oo la keeno Muqdisho waa QAALI, mana aha mid ay awoodaan dadka dan yarta ah eeSomaaliyeed, hadii aan ku siiyo Tusaale.

1-Kiishka sokorta 25 kg, $14 us

2-Bariiska 10kg, $15 us

3-Salida 20 Liter, $18 us

4-Burka 25kg, $13 us

5-bastada 10kg $11 us

qiimaha-raashinka-4

waxaan la kulmay Nin aad u wayeel ah iyo wiilkiisa oo Curyan ah, iyadoo wiilka uu gacanta ka hayo odayga isagoo hogaaminaya,  waxaana ka muuqatay labadooda DARXUMO aad u balaaran, waxayna ii shegeen in ay u socdaan suuqa iyagoo aan awoodin in ay soo gataan maciishad ku filan 2 maalmood, gurigana ay uga soo tageen Caruur kale iyo Hoyadii, miyeysan ahayn “Afkiiba Juuqda Gabay”

waxaan maqli jiray “reer ba’ow yaa kuleh” Ganacsatadii waxay ku tartamayaan maxaa fa’ido ii saaran alaabta aan keenay, mana bixiyaan GANSHUURTII Xaqa loogu lahaa,  dowladu ma awoodo ilaalinta SICIR BARARKA, Ganacsiga qaar  waxaa leh masuuliyiin ka tirsan dowlada, hadaba sow ma aha Miskiin ayaa leh MAJO LAKORO, dan yarta ayaa ku qasban in ay gataan wax kasta oo Qaali ah una bahantahay naftooda.

Dadku waa shaqo la’aan, ma jiro daryeel dowladeed, dakuna waxay taagan yihiin, waagii soo barya ilaa habeenkii waxaan ku jirnaa Alla bari ee Allow noo keen RAGII iyo DUMARKII naga saari lahaa NOLOSHAN adag.

qalab-ka-dhismaha

ugu dambayntii waxaan lee yahay Tolow Raga iyo Dumarka la leeyahay Allow noo keen si ay bad baadiyaan umadan, RAGAAS iyo DUMARKAAS ma kuwo ku nool Ifkaa, Mise waa kuwo Dhalan doono hada kadib,   leeyahay Ganacsatada u NAXA dadkiina, idinkoo ALLA ka baqaya mas’uliyad ayaa idinka saaran danyarta walaalahiin ah ee yaan lagu tartamin Doon hebel waxaan ka helnay Fa’ido boqolkiiba boqol ama boqolkiiba 60 dan iyo IW, ninkastow waxaa lagu su’ali doonaa wixii aad Fashay wanaag iyo Xumaan.

Somaalidu caado uma lahayn in ay ku soo daraan Dumarka, markii ay Allo bariga u samaynayaan si ay u helaan NAXARIIS Alle, inta badan waxaa la aaminsanaa Raga oo kaliya in ay wax fiican qaban karaan, lakiin hadaa la ogaaday in Dumarku ka roonyihiin Raga, mar aan tiro koob ku sameeyey 1995-tii Gabdhaha iyo wiilasha jooga Qurbaha ee wax u soo dira waalidkood iyo eheladooda, waxaan ogaaday 10-kii wiil in ay Qoyskooda wax u dirto ilaa 4 wiil, halka 10-kii Gabdhood ay 8 ka mid ah qoysaskooda wax u diraan,

Waxaa kale oo iswaydiin mudan hal yeyga loo Alla baryayo in umada uu ka saaro dhibka yaa dhalay? waa hooyo, waana mida uu yiri Rasulka scw, “Janadu waxay ku jirtaa Hoyada labadeeda logood hoostooda”

qiimaha-raashinka-3 qalab-ka-dhismaha-1

.

Qaranimo-Online

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment