4080 Views

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 January 2016: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi la socda ayaa goor-dhow gaarey Magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa Safarkiisa Dhuusamareeb ku wehliya ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano gaaraya 25, waxaana lagu soo sheegayaa in ay kulamo la qaadanayaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlu sunna taas oo ay tahay sababta uu Jawaari u tagey Dhuusamareeb.

Waxaa beryahaan dambeeyay socday dadaallo ay wado Dowladda Somalia oo lagu doonayo in la isu soo dhaweeyo.

Ahlu-sunna, ayaa diidaneyd in ay la heshiiso Maamulka Galmudug, kana gaabsatay fadhigi ka dhacay Cadaado ayado Dhuusamreeb ka dhigatay. sal dhig ay Ahlu-sunna ka talis.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment