3915 Views

Shirka Madasha wada tashiga Qaran oo dib u dhacay

____________________________________________________________________________

shirka-wadatashiga

Muqdisho, 07 January 2016: Warar na soo gaaray maanta, ayaa sheegaya Shirki Madasha wada tashiga Qaran ee ka furmi lahaa magaalada Kismaayo 10-ka bishan uu dib u dhac ku yimid.Shirkan Kismaayo wuxuu dhamaystir u ahaan lahaa ki ka dhacay Muqdisho  bishii December waxaana looga hadli lahaa aayaha Soomaaliya iyo doorashada sanadka 2016.

Waxaa la sheegayaa in 20-ka bisha Jannayo uu si rasmi ah shirka uga furmi doono magaalada Kismaayo, iyadoo lagu go’aamin doono nooca doorashada iyo habka ay u dhicidoonto marki la gaaro waqtigeeda.

Lama oga sababta uu dib ugu dhacay balse waxaa loo maleeynaa in laga sugaayo waxa ka soo bixi doono shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo dhawaan ka furmaya Jowhar, iyo munaasabada sanad-guurada labaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo beryahaan dambe muujinaayay rabitaankiisa ku adan doorashada 2016-ka in uu ka qay galo.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabada sanad-guurada labaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo dhici doonta 8-da bishan, taasoo ad moodo in ay ku qasbanyihiin Horjooga-Beleedyada rabo in ay wadanka afduubaan.

Shacabka Soomaalida, ayaa wali isku raacin nooc doorasho oo dalka ka dhacda, iyadoo muddo lix bilood ay ka harsan tahay xilliga la qorsheynayo in Soomaaliya doorashooyin ka dhacaan, in kasto la weday sheeko ah in Labo sano loo kordhi-doono.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment