6210 Views

Dadka danyarta ah oo aan haysan daryeel caafimaad.

Dadka danyarta ah oo aan haysan daryeel caafimaad.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 8, 2016 – Sida lawada og yahay Caafimaadku waa shay qaali ku ah nolosha bini aadamka, waana shayga kaliya uu qofka u quuro in uu bixiyo wixii uu awoodo marka ay la soo gudboonaato Caafimaad darro.

Hadaba dadka danyarta ah ee ku nool Somaaliya mahaystaan daryeel CAAFIMAAD oo ku filan Baahidooda, mana jirto Dowlad dabooli karto Caafimaadka aassaasiga ah ee ay u baahantahay umada Somaaliyeed.

Si kastaba dhibaatooyinka ka jira dhinaca Caafimaadka waxaa ka fa’idaystay kooxo isugu jira Dhaqaatiir iyo Ganacsato, iyagoo furtay Isbitaalo Gaar ah si ay umada uga macaashaan faa’ido xad dhaaf ah, waxayna isku mowqif ka istaageen Dhaqaatiirta iyo Ganacsato heshiis ah, sidii DHAQAALE looga samayn lahaa umadan dhiban oo aan awoodin in ay bixiyaan Qarashka Caafimaad ee laga Qaado Goobaha Caafimaadka.

Waxaad arkaysaa Xaafad kasta waxaa ka furan Ibitaalo, waxaana intooda badan la keenay Dhaqaatiir AJNABI ah, si loogu tartamo Ganacsi ahaan Caafimaadkii daruuriga ahaa ee loo baahnaa in loo fududeeyo dadka danyarta ah ee Somaaliyeed, hadii aan soo qaato waxa dhabta ah ee aan aniga soo arkay, waxaa ka mid ah arimahan soo socda.

Waxaan tagay dhowr isbitaal oo ku yaalo Muqdisho, waxaan soo baaray inta Qarash ku bixi karto in Qofka Bukaanka ah loogu qabto adeega Caafimaad ee uu u baahanyahay, inkastoo ay kala duwantahay Xaalada bukaanada.  Qiimaha baaritaanada waa sidan.

caafimaad-1

Qaabilaada Dhaqtarka waa $5 ilaa $10 dollar.

Baarista dhiigaga waa $25 ilaa $50 dollar.

Raajiyaha waa $20 dollar markii lagaa sarayo melaha fudud, sida feeraha, dhabarka, gacmaha iyo lugaha lafdherta. melaha qatarta ah waa ka sii qaalisantahay intaas.

Kaadida iyo Saxarada waa $5 ilaa $7 dollar.

Tiibiida waa $40 dollar.

Rajiyaha loo yaqaan MRI waa $60 ilaa $100 dollar.

Nadifinta Kilya (Dialysis-ka waa $ 100 ilaa $130 dollar.

waxaa is waydiin mudan, waxyaabaha aan  kor ku soo qoray waxay ka mid yihiin inta badan, waxyaha daruuriga ah ee loo diro bukaanada inta badan, mana aha qarash ay ka bixi karaan Bukaanada, mana aha mid ay is waydiiyeen maamulada isbitaalada qiimahan aadka u badan, sababtoo ah waxaa loo furay Isbitaaladan in ay noqdaan qayb ka mid ah Ganacsiga Somaaliyeed.

caafimaad-3

Markii aad tagto goobahaas caafimaad, waxaad arkaysaa dad aad u liito oo la leeyahay, hadii aadan haysan qarash kugu filan waxba kuuma qaban karno, iyadoo ay dadka qaar ii sheegeen in dhaqaatiirta qaar ay Bukaanka u diraan dhiigag badan oo aan muhiim ahayn in loo diro bukaanka, laakiin dhaqtarka wuxuu u joogaa Isbitaalka in uu soo saaro Qarash badan si uu u hello MUSHAARKIISA iyo Fa’ida dadka leh Isbitaalka.

Waxaan aad ula yaabay Isbitaalada Qaar waxaa iska leh dad aan wax aqoon ah u lahayn Cilmiga Caafimaadka, waxayna soo kiraysteen Dhaqaatiir Ajnabi ah iyo kuwo Somaali ah, waxayna kula heshiiyeen in ay Fa’ido wadaag wixii ay soo saaraan, Taasina waxay sababtay in Bukaanka loo diro Baaritaano aysan awoodin Qarashkeeda, miyeysan ahayn laba daran mid dooro Bukaanow.

Waxaa kale oo ay Bukaanada aad uga Cabanayaan safafka loo galo qaadashada lambarka Dhaqtarka,  DAWADA oo aan tayo lahayn, aadna qaali u ah, taasina waxaa sabab u ah iyadoo ay adag tahay in bukaanka uu ka heli karo daawada Farmashiya kasta, waayo Dawada loo qoro bukaanka waxaa laga heli karaa Farmashiyaha Dhaqtarka kuu Qoray oo kaliya, waana sababta ay qaali u noqotay, waxayna noqotay Isbaaro aan bukaanka dhaafi karin!!!

Qofka mar hadii ay la soo daristo Caafimaad xumo qofku wuxuu ku qasban yahay in uu bixiyo wixii loo diro, duruuf kasta ha ku jiree Bukaanka, waxaan maqli jiray  “Miskiin ayaa leh Mija lakoro”, Xanuunada aad ayey ugu badanyihiin dalka, waayo 25 sano majirin Caafimaadka assaasiga ah si looga hortago Cudurada qaar oo aad u dilooday danyarta, haba ugu banaadeen Cudurada faafa ee la kala qaado.

Ugu dambayn umadan waxay u baahantahay dhaqaatiir ugu shaqayso si daacad ah iyo in la soo celiyo Isbitaaladii danta Guud ee lagu dawayn jiray Bukaanada danta yar, waxaan ku soo arkay isbitaalada qaarkood sida ay ula dhaqmayaan Bukaanada isugu jira Waayeelka, Caruurta, Dumarka iyo Bukaano u bahaan gagaarka deg deg ah oo la leeyahay SAFKA soo gal, iyadoo aysan jirin wax tix gelin ah oo loo sameynayo marxalada bukaanka, waayo aduunyada kale waxaad arkaysaa markaad tagto Isbitaal waxaa darbiga ku QORAN Sharci kuu sheegaya sida loo kala hormarin karo bukaanada, taas oo macnaheedu yahay hadba si ay u kala QATARSANYIHIIN XANUUNADA  uu qabbo bukaanka, markii la arkay Somaaliya in ay tahay meel aan nidaam ka jirin iyo Shuruuc lagu ilaa liyo Xuquuqda muwadinka waxay noqotay Goob ganacsi loo soo aado, si looga TAAJIRO Sanooyin yar Gudahood, walee Somaaliya waa “Reer bo’ow yaa kule”,  hadii aad rabto in aad aragto bina’adan darxumaysan, si Naxariis la’aan ahna loola dhaqmayo soo booqo Isbitaalada ku yaal Somaaliya, waxaa la baabi’iyey Magacyadii looyaqiinay Isbitaaladii Somaaliyeed, waxaadna maqlaysaa Isbitaalo lagu magacaabo Dowlado Shisheeye.

.

Qaranimo-Online | Muqdisho

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment