4491 Views

Turkiga oo saldhig Milateri ka sameysanayo Soomaaliya

Turkiga oo saldhig Milateri ka sameysanayo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 January 2016: Waxaa beryahaan la sheegayaa in Dowlada Turkiga ay dooneeyso in saldhig milateri ka sameysato Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah balan-qaad ay horey u sameysay oo ahaa in dowladda Soomaaliya ka taageerayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in qorshahan lagu dhisayo saldhiga Milateri uu qeyb ka tahay heshiiskii dhex maray labada dowladood oo ku saabsanaa iskaashiga dhanka milateri, iyadoo Saraakiisha Milateriga Turkiga ay tababaro gudaha Soomaaliya ku siiyaan Ciidamada dowladda.

“Tani waa xarunta Milateri oo ah mid muhiim ah, oo aan dooneyno inaan siino tababaro guud ahaan qaaradda oo dhan Afrika”ayuu yiri Emel Tekin oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ka hirgelin doonaan Iskuul Milateri oo wax lagu bari doono dhamaan saraakiisha iyo dableyda ciidanka Soomaaliya.

Mr Emel Tekin ayaa sheegay in hirgelinta saldhigan Milateri u jeedkiisu yahay sidii loo heli lahaa qaab nidaam oo ay yeeshaan ciidanka Soomaaliya, iyadoo dowladda Turkiga ay hormuud ka tahay arintaasi.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku caawisay $400 million oo gargaar ah sanadahan dambe sida laga soo xigtay wasaaaradda arimaha dibadda dalkaas.

Waxaan weli la ogeeyn in heshiiska noocaan ah in loo baahanyahay in la soo marsiiyo Barlamaanka Qaranka iyo in kale, balse wan ogan-doonaa wixi ku soo kordho arintaan culayska badan leh.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment