3717 Views

WFP oo iska fogeysay eedeyma ka yimid dowladda Soomaaliya

WFP oo iska fogeysay eedeyma ka yimid dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 January 2016: Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Cunnada Aduunka ayaa beenisay eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya, taas oo ahayd in raashinka mucaawinada ay ku soo beegto xilliyada beeraleyda Soomaaliyeed oo u soo go’ayo Tacabkooda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda WFP, ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay xoojinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka beeraleyda, hase ahaatee aysan dooneyn inay beeraleyda khasaariyaan waxaana ay Hey’addu tilmaamtay inay la shaqeyneyso beeraleyda Soomaaliyeed, isla markaana ka caawineyso sidii tababarada dhanka farsamada kor loogu qaadi lahaa.

“WFP waxaa ay sheegtay in xiliyo badan ay ka iibsatay beeralayda Soomaaliyeed galayda usoo go’da, xiliganna ay ku howlan yihiin sidii ay u iibsan lahaayeen in ka badan 1000 metric tons oo galay ah iyagoo sheegay in raashinkaasi ka iibsan doonaan iskaashatada beeralayda ah ee afgooye iyo awdheegle”ayuu lagu yiri qoraalka WFP

Hadalka WFP ayaa kusoo beegmaya labo maalmood kadib markii wasaaradda beeraha ee Soomaaliya oo la hadlaysay VOA Somali ay ku eedaysay hay’adda WFP in ay raashinkeeda gargaarka ah ku beegto xiliga ay beraleeyda Soomaaliyeed ay badeecadooda suuqa geeysan-lahayeen.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment