3066 Views

Hey’adda HRW oo sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay ku dileen Gobolka Oromada 140 dibad baxayaal

____________________________________________________________________________

20147281163445734_20

Muqdisho, 09 January 2016: Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee fadhigeeda yahay Mareykanka Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya laayeen ugu yaran 140 ruux oo dibad baxyaal ah ka soo horjeeday dowladda Itoobiya

Dibad baxyada oo u badanaa ardayda oo bilowday bishii November ee sanadkii hore ayaa ka dambeeyay markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday qorshe magaalada Caasimada Addis Ababa loogu darayo dhulka Gobolka Oromada ah.

Go’aanka dowladda Itoobiya ayaa waxaa ka carooday dadka beeraleyda oo u arkay mid caqabad ku ah, maadaama dhulka la rabo Caasimada in lagu daro ay yihiin beero, iyadoo kadib ay bilowdeen dibad baxyo.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay toogteen dibad baxayaasha, isla markaana dileen 140 ruux, halka tiro intaas ka badan ay dhaawaceen.

Itoobiya ayaa bishii December sheegtay in dibad baxayaasha ay ku dhinteen 5 ruux, waxaana ay ku eedeysay in dibad baxayaasha ay hubeysnaayeen.

Dadka Oromada aya ugu tirada badan Itoobiya, waxaana lagu qiyaasay 40%, hase ahaatee waxay in muddo ah ka cabanayeen siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan in loo caburiyay.

 —————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment