3645 Views

M/weyne Xasan Shekh oo marag ka ahaa Sanad-guuradi 2aad ee C/weli Gaas

____________________________________________________________________________

IMG_7416-195x110

Muqdisho, 09 January 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay sanad-guuradii ee ka soo wareegatay markii C/wali Maxamed Cali (Gaas) loo doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8-da Janaayo.

 

Xafladaan oo xalay ka dhacday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland, Kuxigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Ra’iisul Wasaarayaal hore, Wasiiro, xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka hadleysay horumarka Puntland iyo waxa uu qabtay C/weli Gaas labadi sano ee an soo dhaafnay.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in labadii sano uu xilka hayay ay u qabsoomeen waxyaabo badan, isagoo xusay in Puntland guul ka gaartay, dhinacyo badan, horumaro badan ku tallaabsatay, waxaa uu tilmaamay in labada sano ee soo socota uu rajeynayo in wejiga Puntland uu bedelo, balse kama hadlin wadanka loo yaqaan Soomaaliya

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay guul ka gaartay dhinaca siyaasada, isagoo xusay in aragtida shacabka Puntland ee doorashada 2016 ay tahay hal qof iyo hal cod, isla markaana aanay muhiim aheyn in dib loogu noqdo nidaamkii 4.5

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Puntland, isagoo ku ammaanay waxyaabihii u qabsoomay iyo horumada ka jira deegaanada Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday Sooyaalka Puntland iyo doorkii ay kaciyaartay helitaankii dawlad soomaaliyeed oo markale cageheeda isku taagta, isagoo ugu baaqay maamulada kale ee dalka ka jira inay kaga daydaan shacabka Puntland isku duubnida iyo midnimada ay gaareen.

Dhanka kale Xaflada ayaa dadka qaar u arkeen is muujin siyasadeed ee C/weli u gaar ah waxayna ku magacaabeen ayaga oo fasiraayo munaasabada Boosaaso: “One Man Show”.

IMG_6750IMG_6867IMG_6943 (1)IMG_6954 (1)IMG_7344 (1)

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment