4728 Views

Kulan lagu heshiisiinaayo Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo Muqdisho ka socda

____________________________________________________________________________

axmed1-310x207

Muqdisho, 09 January 2016: Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ay kala hogaaminayaan M/weynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo M/weynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aden iyaga oo lagu heshiisiin doono Muqdisho.

R/wasaaraha DF Somalia ayaa labaduba ku soo dhaweeyay garoonka Aden Cadde waxa uuna R/wasaarah sheegay in labada mas’uul lagu heshiisiin doono Muqdisho ka hor inta uusan furmi shirka Kismaayo.

Labada Madaxweyne ayaa khilaaf ka dhaxeeyaa iyadoo khilaafkooda uu ku saabsan yahay maamulka Bakool Sare oo la sheegay in ay hor boodayaan xubno ku beel ah Axmed Madoobe isla markaana lagu xumeenaayo maamulka Shariif Xasan.

M/weynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa la sheegay in uu diiday in uu ka qeybgalo shirka Kismaayo illaa laga xalinaayo maamulka Bakool sare oo si fowdo ah looga dhawaaqay Bakool sidaasi ayaana shirkan maanta loo qabtay.

Galabta galinka danbe ayaana lagu wadaa in qodobo laga soo saari doono dib u heshiisiintaan hadda magaalada Muqdisho ugu soconeysa Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment