4029 Views

CADAALADII OO CAGAHEEDA KU ISTAAGTAY.

CADAALADII OO CAGAHEEDA KU ISTAAGTAY.
____________________________________________________________________________

Aqristow Rumayso ama Harumaysan, waxaa dhacday CIYAAL YAR YAR oo ka qaraabta maqaayad kutal Muqdisho ayaa waxay tageen Saldhig ka mid ah Saldhigyada Xamar, waxayna dacwad ku ogeen Nin kabalyeeri ka ahaa Maqaayad ay ka qaraabtaan, markii la dhagaystay cabashadooda waxaa lagu soo daray nin askari ah, waxaana maqaayadii yimid Ciyaalkii oo xayn ah iyo Askari dharcad ah, iyagoo la waydiiyey in ay tilmaamaan ninka ay dacwada u qabaan, waxayna farta ku fiiqeen nin ka mid ah kabal yeeriyadii ama adeega yaashii Maqaayada.

Ninkii Askariga ahaa wuxuu u yeeray ninkii kabalyeeriga ahaa, wuxuuna u sheegay in DACWAD looqabo una raaco SALDHIGA, ninkii adeegaha ahaa wuxuu isku dayey in uu DIIDO AMARKA Askariga, waxuuna Askarigii ku yiri kabalyeeriga “waxaa kuu yimid Sharcigii oo socda, hadii aad Tixgelinwaydo isagaa ku qasbaya ee inoo fududey inta anan ku qasbin, nin ka mid ah kabalyeeriyadii la shaqaynayey ayaa ku yiri “ hadiidin Amarka Askariga ee raac”.

Arintan waxay layaab ku noqotay qaar ka mid ah dadkii ka Cuntanayey maqaayada, Nin wayeel ah oo aan filayo in uu ku nolaa Muqdisho mudooyinkii dagaalada sokeeya ayaa mar uu yiri “ walee CADAALADII ayaa soo noqotay, hadii ay manta Ciyaal Fay Cali  dacwoodeen oo Askari lagu soo daray, waa ilmihii la dhihi jiray Looma OYAAN, walee Cadaaladaa Magan leh”.

Ugu dambayntii waxaan aad u jeclaan lahaa, in aan arko SHARCIGA WADOOYINKA oo soo qabanaya Shaqsiyaadka mar walba Jabiya Sharciga wadooyinka, kuwaasi oo kala ah, Nimanka lagu wado Gawaarida aysaaran yihiin wiilasha Qoryaha wata ee MARQAANSAN, marwalba markii ay arkaan wadada oo JAAM ah mara dhinaca Qaldan ee wadada kale  iyo Shaqsiyaad ubadan MADAXDA SHIRKADAHA iyo Shaqsiyaad  isku Sheega XILDHIBAANO iyo MASUULIYIIN, iyagoo ku amra darawaladooda in ay ka bootiyaan Gawaridooda MARSHA BIYEEDKA markii ay wada JAAM tahay, marana nica qaldan ee wadada kale, waxayna markasta sababaan SHILAL joogta ah, Shaqsiyaad kaan waxay mar walba HANDADAAN Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka oo u badan Shaqsiyaad waayeelo ah oo qaarkood ay ka muuqato Duruufo dhaqaale XUMO aad u balaaran, xataa qaarkood mahaystaan YUNIFOOMKII ciidanka oo Nadiif ah, hadaba aan iswaydiinee,  nin Sharcigii jabiyey maxaa Horumar ah uu u keeni karaa Bulshdan DHIBAN!!!.

War iyo  dhamaan Somaalidu waxay tiraahdaa “wiil iswaalaba, waa biyaa hela” walee maalin ay noqotaba waxaa lawada hoos imaan SHARCIGA waana lays xisaabin doonaa ee Nabada Hala dhowro iyadaa naga badan, Nabad la’aani waa nolol la’aan, midna aan ogaano Nabadaa leh “NAAS LANUUGO, Nimco waarta iyo Naxariis”.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment