3483 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ka degay Kismaayo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ka degay Kismaayo
____________________________________________________________________________

 Muqdisho, 10 January 2016: Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo shirka wada tashiga ee looga hadlayo hab socodka doorashooyinka sanadkan 2016 ka dhacaya dalka.

Mr Adhanom ayaa waxaa uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxda Maamulka Jubbaland, waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka madasha wada tashiga ee hanaanka doorashooyinka.

Waxaa kale oo la sheegay in Urur goboleedka IGAD ay door ka qaadan doonto sidii madaxda Soomaalida ay isku raaci lahaayeen hanaan doorasho oo dalka ka dhaco, iyadoo wali aan la isku raacin nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, marka uu dhamaado waqtiga dowladda hada jirta iyo Barlamaankeda.

Intaa waxaa raacsan in ay Kismaayo ka degeen xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo diblomaasiyiin, kuwaasoo ka qeyb galaya shirka arrimaha Hiigsiga looga hadlayo ee 2016

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa kula kulmay magaalada Kismaayo Saraakiil ka tirsan AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo howl galada dalka ka socda, waxaana Wasiirka uu ku booriyay saraakiisha in la sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida an ognahay,Ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ( waa sida ay sheeganayaan), ayaa dhowaan gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo tagitaankooda magaalada lagu sheegay ka qeyb qaadashada sugida amniga magaalada iyo howl galada lagula jiro Al-Shabaab.

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment