7398 Views

Maxaa ka dhacay gogoshi loogu xafladeeyay sanadguuradi labaad ee Madaxweyne Gaas markuu xukunka Puntland uu qabtay?

Maxaa ka dhacay gogoshi loogu xafladeeyay sanadguuradi labaad ee Madaxweyne Gaas markuu xukunka Puntland uu qabtay?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | Jan 10, 2016 |  Markaan ka gudbo rag badan oo ujeedka qudbadahooda ay ku ekeyd hunguri shaqsiyadeed, iyagoo helikara mid mansab oo macna iyo hunguri gobeedba siin kara, ayaa nimanka gogosha xafladda u fidsaneyd garanwaayeen dhowrista maamuuski maritda iyo weynaaneyntodaba laakin u baxay faan iyo hadalo deel qaaf ah oo gaaray xitaa rag ka maqan gogosha.. Inta badan dhaqankaas waxaan ku tilmaamnaa mid gobeed.

Mudane Faroole khudbadiisi lama yaabin ee waxa iga yaabiyay sida loogu sacbiyay ee reerki maritda loo ahaa ugu wada riyaaqeen..!

faroole

Wuxuu yiri, dastuurka Puntland ayey ku qorantahay in gobolki raba uu ku soo biirikaro.. Markaas wuxuu raaciyay isagoo matal u soo qaatay Nebi Maxamed CS markuu adeerkii ka codsaday inuu islaamo, isna yiri, waan kaa yeeli lahaa oo xaqnimadeeda waan ogahay laakin waxaan ka baqaayaa iney qureysh igu sheekeysato, saasdarteed waxaa la ii qaatay Inaan gaalnimada ku dhinto, in GALMUDUG ay rabi laheyd iney ku soo biirto Puntland laakin Hawiyaha iney ka hadlaan ay ka baqeyso, marka xumaha ay ka doorbiday wanaaga!!

Madaxweyne Shariif Xasan wuxuu ku tilmaantay, Gudoomiye Gobol isagoo hadal meel ka dhac ah la gaaray labada dawlad Goboleed ee Koofur Galbeed iyo Galmudugba, khudbadiisa Ilaa ay ka dhamaato waxey aheyd mid meel ka dhacmiiran ah.

1425758_10156400933865203_2166277156298042488_n

Madaxweyne Gaas ee ahaa ninka sanadguurada xukunkiisa loo xafladeynaayay, waxaa khudbadiisa ku jirtay Puntland waa hooyada iyo aabaha dawladda Federaalka…. Isaga iyo odayaashi meesha ka hadlay wuxuu carabkooda ku noqnoqday Garowe1 iyo 2, tolow garashada ma tusiweyday in shirarkaa ay fadhiyeen Soomaalida kale, ee Garowana ay aheyd oo keliya goob shir ka dhacay, iyaga haddii ay hooyo iyo Aabe saa ku noqdeen, dadki la gudoomiyay ee Soomaalida kale ka socday maxey noqon???? Waxbey ahaan laheyd shir Puntland u qaas ah oo go’aano ka soo baxay ee Soomaalida kalana ay qaateen haddii la dhaho sidaas ayey ku yihiin hooyo iyo aababa laakin iyagana Caqliga ma tusin, Soomaalida kalana maba gartaan ayey ila tahay, waxa kale ay ku celceliyeen waxey aheyd in aan la aqbali Karin fikirka 4.5ka, tahayna in laga gudbo.

IMG_6954 (1)

Madaxweyne Xasan sikasto oo looga kor hadlay, haddana waxaan jecleystay deggenaanshaha ka muuqatay iyo sida xilkasnimada leh ee u xusuusiyay sida uu kursiga ku yimid Madaxweyne Gaas, wuxuu yiri Madaxweynaha, Puntland meel ay uga haboontahay inuu ka dhaco doorasho qof iyo codkii ah majirin, haddana wey dhiciweyday oo waxaa la aaday tii qabiilka, iyadoo aan garan karo in leys tusay xaakado jiro darteed iney haboontahay wanaaga la heysto in laga dhowro carqaldeyn, tolow Puntland xusuusintaa wax maku arki karaan mise iyagoo xaaladda guud u saamixi kartay doorasho ayey wadanki oo guud ahaan u saamixi Karin ayey waxey u diideen gobolkooda la rabaan in lagu ijbaaro wadanka.. Haddii ay saa tahay fahamka idinkaan idiin daayay..

th

Waxaan doonana waan dhaheynaa, haddii War saan wax maaha nala yiraahdana, waxaan wada leenahay waa nala necebyahay.. Qaladka dastuuriga ah ee aan ku fadhinana ma aragno, mid lala xarbinaayana waan ka qeylineysa!!

Mr Cabdiweli Shiikh Axmed ninki hore u yaqaanay ama dhaqamadiisa waqtiyadi dhawaa la socday, fasir badan uma baahna laakin Soomaalida intabadan qabiil jaceylka iyo qaar doqonimo u raacsantahay ayaa ka dhigay kuwa yeesha, xusuusdarada musha lagu sheego….!!

.

SOOMAALIYA NASIIBKEED!

By Elmi Guleed

Warsame114@hotmail.com

 

 

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment