3798 Views

Xasan Sheekh Iyo Jawaari oo wada dagay JAR ay ku soo noqon karaan

Xasan Sheekh Iyo Jawaari oo wada dagay JAR ay ku soo noqon karaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 January 2016: Ayadoo Kismaayo faraqa la is haysto isla markaana laga sugaayo furmitaanka iyo waliba natiijo ka soo baxda shirka madasha wada tashiga ee la filayo inuu ka furmo magaalo xeebeedka Kismaayo, ayaa waxaa isa soo taraya ifafaalooyin muujinaya madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Jawaari ay cagajiidayaan.

Wararka Fadhi-ku dirirka iyo Xanta suuqa waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari. ay iska dhaadhiciyeen in sida kaliya ee u soo noqon karaan, ay tahay inay hasaabo ka dhigaan oo fashiliyaan dhamaan dadaalada lagu doonayo in la gaaro doorasho dalka lka dhacdo sanad-kani 2016.

Labaduba waxay is tusiyeen in hadii ay jaaha-wareer ku ridaan shirarka ay galayaan madaxda Soomaaliyeed ee beesha caalamkana dabada ka riixayso, in lagu qasbanaan doono inayaga 2 sano loogu daro,lana yiraahdo labadaasi sano dalka ugu diyaariya qof iyo cod. Waxay hubsadeen inaysan dib u soo noqonayn hadii ay dhacdo doorasho noocay kastaba haku timaadee.

Sidasi daraadeed waxay xalka badbaadada kursigooda u arkaan in waqtiga ay kordhistaan, taasina waxay ku iman kartaa in xiliga doorashada dhici lahayd lagu gaaro buuq iyo is qab-qabsi.

In kastoo ay horay u jireen tuhumo badan, hadana waxaa banaanka ay soo dhigantay kadib markii Madaxweyen Xasan uu jilaafeeyay saaxiibkiis Cabdikariim Guuleed, asagoo Jawaari u diray Dhuusomareeb si uu wada-hadal ula furo Ahlusunna, taasi oo gabi ahaanba dhabar jab ku ahayd ergooyin nabadeed oo ka dhex socday Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxaa si muujiyay oo arintaasi sii xoojiyay kadib markii ay maanta daqiiqadihii ugu danbeeyay ka baaqdeen Shirka Kismaayo, ayadoo garoonka ay diyaar ku ahayd saacado madaxdii iyo shacabkii soo dhawayn lahaa ee uu ku jiro Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya.

Dadka qaar ayaa waxay leeyihiin madaxweyne Xasan maalintii uu xilka qabtay laga soo bilaabo wuxuu u tafaxaydnaa sidii uu dib ugu soo laaban lahaa, halkii uu ku mashquuli lahaa dhamays tirka caqabadaha haatan horyaala Wadanka oo dhan.

Dhan kastoo oo ad u rogtid, Soomaaliya waxay ku taagantahay jid qaldan oo laga yaabo in uu dhaco dagaal sukeeye.

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment