3609 Views

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 January 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si rasmi ah waxaa uu uga furay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe shirka maamul dhisida Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay ka soo qeyb galeen boqolaal ergo oo labada gobol ka socotay.

Xafladaan si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu tala galay furitaanka Shirka ayaa ka dhacday hool weyn, waxaana halkaas suugaan ku soo bandhigay Kooxda Hilaac Band iyo Bar baarta gaashaaman oo tix gabay iyo suugaano ku cabiraay barwaaqada labada gobol iyo sida lagama maarmaan u tahay labada gobol.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku soo dhoweeyay ergooyinka magaalada Jowhar, isagoo soo dhoweeyay furitaanka shirka, waxaana uu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in shirka maamul u sameynta labada gobol inuu maanta furmo.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan shirka mamul u sameynta labada gobol, isagoo xusay in labada gobol ay yihiin lao gobol oo deris ah, dadkoodana ay wada dhasheen.

Qaar ka mid ah Salaadiintada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada gobol oo ka hadlay ayaa dhankooda soo dhoweeyay gogosha maamul u sameynta, waxaana ay ku baaqeen in la dedejiyo maamul u sameynta Labada Gobol.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in maamul goboleedyada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu ka mid noqon doono maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoo xusay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh markii xilka qabatay sanadkii 2012 ay u suura gashay inay dhismaan maamul goboleedyo, iyadoo sanadkii 2004 lagu heshiiyay in dalka ka dhismaan maamulo federaal ah.

Wasirka Arimaha Gudaha, Odawaa ayaa sheegay in shirka la dar dar gelin doono maamulka labada gobol, isagoo xusay in labada gobol ay taariikh ku leeyihiin halganka gobonimo doonkii iyo la dirirkii gumeystaha.

Waxaa uu ugu baaqay ergada labada gobol inay soo jeediyan aragtidooda ku aadan magaca loo bixinayo maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, astaanta maamulka iyo calanka maamulka, isagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha gudaha oo howsha wada ay abaal marino ku bixin doonto.

Madaxwene kuxigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Lugadheere oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dhismaha maamulada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo xusay in maamulkooda ay soo dhoweynayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii taageero ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la dedejiyo maamulka, isla markaana wixii khilaaf iyo dhaliil dhinac la iska dhigo, si bisha febraayo Madaxweynaha ka soo baxa labadan Gobol uga qeyb galo shirka ka dhici doona Istanbul.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulka labada gobol dhismihiisa ay soo dhoweynayaan, maantana ay gogoshiisa furantay, isagoo ku baaqay in la soo dhoweeyo dadka u dhashay labada gobol ee ka maqan, isla markaana wixii xuquuqdooda la siiyo.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dareemayaan inay ka maqan tahay mataan, maadaama labada gobol ay deris yihiin maamulkiisa, waxaana uu talo ahaan u soo jeediyay in maamulka dhismaya in loogu magac daro Shabeelle State, maadaama labada gobol uu maro hal wabi oo ah wabiga Shabelle.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba gabadii ka hadlay munaasabada ayaa si r

asmi ah waxaa uu uga dhawaaqay inuu shirka furan yahay, isagoo ugu baaqay dadka labada gobol inay dhistaan maamul ay u mideysan yihiin, isla markaana ka soo baxo ninkii ay doorteen.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka yimaadeen afar ka mid ah sideedii Madaxweyne ee dalka soo maray, isagoo xusay in labada gobol ay leeyihiin taariikh siyaasadeed iyo taariikh dhaqaale.

Waxaa uu ku booriyay dadka ka soo jeeda labada gobol inay dhisteen deegaanadooda, isla markaana ay hantidooda geliyaan, si magaalooyinka ay u hormaraan.

DSC_1041

DSC_1017

DSC_1020

DSC_1028

DSC_1047

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment