3519 Views

Xildhibaanada Gal-Mudug oo doonayo in Xilka Ka qaadaan C/kariim Guuleed

Xildhibaanada Gal-Mudug oo doonayo in Xilka Ka qaadaan C/kariim Guuleed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 January 2016: Warar ka soo yeeray degmada Cadaado ee Galmudug, ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada maamulka Gal-Mudug ay wadaa qorshe ay xilka kaga qaadayaan M/weynaha Gal-Mudug C/kariim Xusen Guuleed oo ah arin cusub.

Shir gaar ah ayay Xildhibaanada maamulkaasi ku kala yeesheen Cadaado iyo Muqdisho waxa ay ku qaban qaabinayeen in Baarlamaanka  Gal-Mudug la geeyo mooshin ka dhan ah Guuleed, taas oo ah marki ugu horeeysay uu Maamul Goboleed mooshin diyaariyo

C/kariim Guuleed ayeey Xildhibaanada ku eedeeyeen in uu dayacay howshii loo doortay isla markaana illaa iyo hadda uusan waxweyn ka qaban howlihii horyaalay oo ay ugu horeysay dib u heshiisiinta maamulkiisa iyo Ahlu-sunna

Ugu danbeyntii M/weynaha Gal-Mudug oo hadda ku sugan Kismaayo ayaa qorshahaan hoos ahaan ula socda in kastoo uusan guda galin qaabkii uu u fashilin lahaa qorshahaan hadda socda ee la doonayo in xilka looga qaado.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment