Friday, 19 April 2024
4167 Views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo digniin u jeediyay dad sheeganaya inay leeyihiin Dhulka Dowladda

____________________________________________________________________________
dabageed-450x264

Muqdisho, 13 January 2016: Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan degmada Beledweyne ay yihiin dad jecel Nabadda, waxaana uu ka digay dadka iibsanaya dhulalkii ay lahayd dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” ayaa sheegay in ay jiraan dad sheeganaya Warqado been abuur ah inay  ku iibsadeen Dhulalkii dowladda hasa yeeshee waxaa uga digay in ay Arrimahaas ka waan toobaan.

Dhawaanahaan Waxaa soo baxayay dad sheeganaya in ay  heystaan warqado ay sheegayaa inay ku iibsadeen Dhulal ay leedahay dowladda sidaasna uga sii Iibinaya dadka kale, waxaana jirtay tan iyo xilligaas digniin maamulka Gobolka Hiiraan uu u  jeedinayay dadka sidaas ah ee dhulka Dowlada damaca ka hayo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment