3663 Views

Madaxweynaha Soomaaliya Oo ka degay Magaalada Kismaayo.

____________________________________________________________________________

 

Xasan-iyo-Madoobe-Kismaayo-280x175

Muqdisho, 13 January 2016: Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa mar dhow lagu soodhoweeyey magaalada Kismaayo, oo uu ka furmayo shirka doorashada Soomaaliya. Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa waftiga madaxweynaha kusoo dhoweeyey gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ra’iisul wasaaraha xukuumadda, madaxda Jubbaland iyo xubno kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow Kismaayo waxa uu ka furi doonaa shirka Madasha Wadatashiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya. Shirkaan oo baaqday saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey kadib dibudhicii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud yimid.

Mudane Xasan Sheekh ayaa ku mashquulay arinti maamul u sameeynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, taas oo mudo soo jiitameeysay, balse hada ad moodo in xal laga gaaray.

IMG_8290

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment