4725 Views

Jawaari oo sameeyay arin ka xanaajisay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa

Jawaari oo sameeyay arin ka xanaajisay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 January 2016: Gudoomiyaha Baarlaamka Soomaaliyaa Prof. Max’ed Sheekh Cusman Jawaari, ayaa inta uu Kismaayo joogay waxa uu afkiisa ka dhowray, kana ilaaliyay inay ka soo baxdo magac Madaxweyne inuu ugu yeero madaxweynaha Jubbaland xiliyada uu saxaafadda la hadlayay, wuxuuna badalkeeda isticmaalay erayga “mudane” si u saantirto.

Gudoomiye Jawaari oo la ogaa in uu hormuud u ahaa shaqsiyaadkii ku kacay maamulka Jubbaland markii la dhisaayay,waxa uuna  markii ugu horaysay cagta soo saaray Kismaayo isaga oo  wali ka muuqdaan diidsiin inuu Madaxweynaha dawladda goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ugu yeero madaxweyne.

Tan kale, Jawaari waxa uu madaxweyne ugu yeeraa madaxda kale ee maamul goboleedyada sida, Dr. Gaas, Shariif Sh. Aadan iyo Cabdikariim Guuleed oo asaga la ogyahay in maamulkiisu uu yahay gobol iyo bar uu ka hor-imaanayo dastuurka ahaydna in Jawaari arrintaas uu wax ka qabto.

Ugu danbeyntii Gudoomiye Jawaari ayaa ka mid ahaa dadkii taageersanaa maamulka lixda Gobol isla markaana waxa uu ka horjeeday in xil M/weynenimo Axmed Madoobe loo dhiibo.

 

 

.

 

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment