5283 Views

M/weynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo runta u sheegay Ergadi ka qeyb-gashay shirka Kismaayo

M/weynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo runta u sheegay Ergadi ka qeyb-gashay shirka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 January 2016: Madaxweynaha Jamuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qudbadiisa Shirka qaran ee ka socda Magaalada Kismaayo ku sheegay in Soomaaliya maanta ay kasoo gudubtay dhibaatadii ay dhaleen dagaaladii Sokeeye ee Soo maray dalka.

Waxa uu sheegay in Maanta Soomaaliya ay u baahan tahay midnimo iyo dowladnimo xoogan, waxaana uu mahad celiyay madaxweynaha dowladda Jubbaland sida uu isku xilqaamay ee ah inuu Soomaalida isku keeno.

“Madashan quruxbadan oo ay fadhiyaan dad kala duwan waxa uu go’aankoodu gundhig u yahay Mustaqbalka Siyaasada Soomaaliya” Ayuu Yiri Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka ee Soomaaliya.

“Wadajirka Umadda Soomaaliyeed aad iyo aad ayey u tahay Mabda’a aas aasi ah oo aan la taaban karin taas ayaana rajeyneynaa inaan ka talino” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Madaxweynaha Jamuuriyadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta wax yaabaha uu ka badali karo siyaasada Soomaaliya kulan kan kulamadii kale ee la xiriiray ka tashiga aayaha siyaasada Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirkan aysan beesha caalamka wax dhaqaale ah ku bixineyn lacagta ku baxaysana ay tahay mid ay iska soo ururiyeen bulshada magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Mudane Axmed Madoobe ayaa xusay in ay muhiim tahay in calamada badan ee maamul goboleedyada hoos loo dhigo isla markaana calanka ay Soomaliya ku mideysan tahay sare loo qaado. Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubba Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu taariiq ku reebo magaalada Kismaayo maanta.

IMG_8888IMG_8920IMG_8984IMG_8978

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment