4038 Views

Shirki Wadatashiga oo la sugaayo in uu maanta Kismaayo ka furmo.

Shirki Wadatashiga oo la sugaayo in uu maanta Kismaayo ka furmo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 January 2016: Magaalada Kismaayo ayaa maanta loo maleeynayaa in uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran ee doorashada Soomaaliya oo markii afaraad shalay baaqday.

Shirka Madasha, ayaa waxaa furi doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qaybgeli doona ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, gudoomiyaha barlamaanka Mudane Jawaair, madaxweynayaasha maamul goboleedyada, ururada bulshada rayidka ah, gobolada aan maamuladu kajirin iyo marti sharaf kale.

Ajandaha ugu waaweyn ee shirka looga hadli doono inta uu socdo, ayaa ah qaabka lagu soo xuli doono barlamaanka cusub ee Soomaaliya, hanaanka deegaanka ama habka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ee ay dowladda hada jirtaa kudhisan tahay ee 4.5. Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo gobolada Banaadir ayaa sheegay inay doonayaan hanaanka qabiilka ee 4.5, waxaana midaasi diidan dadka iyo madaxda maamulada Puntland iyo maamulka Axmed Madoobe oo hada gogosha dhigay.

Shirkaan lama oga waxa ka soo bixi-doono, balse sadaasha waxa ay sheegaysaa in khilaaf cusub uu ka imaan-doono.

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment