3993 Views

Madaxweynaha oo ugu baaqay madaxda ku shireeyso Kismaayo in ay isu tanasulaan

Madaxweynaha oo ugu baaqay madaxda ku shireeyso Kismaayo in ay isu tanasulaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 January 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jeediyay  Madaxda ka qeyb galeysa shirka Kismaayo inay tanaasul isu sameeyaan, si loo gaaro go’aano dhaxal gal ah oo looga bixi karo marxalada siyaasadeed eehada mareeyno..Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in la wada gaaro wax macquul ah oo loo qaadi karo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la eego mar walba masaaliixda umadda ee caamka ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in talooyinka lagu go’aaminayo shirka la doonayo inay noqdaan wax wanaagsan, si sanadaha soo socda dalka u gaaro horumar, isagoo tilmaamay in mar walba loo baahan yahay tanaasul shirka ka dhasho.

“Waxaa loo baahan yahay in la sameeyo tanaasul, in la gaaro go’aan mideysan oo dalka wax ka bedeli karta marxalada uu hada ku sugan yahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirka Kismaayo laga filayo rajo wanaagsan, isla markaana ay ka soo baxdo qaab doorasho ee la doonayo inay dalka ka dhacdo.

Madaxda Soomaalida ee shirka ka qeyb galeysa ayaa tan iyo xalay u socday kulamo gaar gaar ah, waxaana jira yididiilo ku saabsan natiijada shirka in Madaxda ay gaaraan go’aan mideysan, iyadoo gaba gabada shirka laga soo saari doono war murtiyeed cad si shacbiga ay u ogaadan wixi ka soo baxay shirka Kiamaayo.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment