5055 Views

Mudane Axmed Madoobe oo Qudbadiisa ku soo jiitay Qalbiga Shacbiga Soomaaliyeed.

Mudane Axmed Madoobe oo Qudbadiisa ku soo jiitay Qalbiga Shacbiga Soomaaliyeed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 January 2016: Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa shalay ka sheegay madasha wada tashiga ee Kismaayo hadal aad u soo jiiday dhegaha iyo quluubta bulsha weynta Soomaaliyeed oo meel kasta Aduunka kaga sugan.

Wuxuu ka dhawaajiyay Axmed Madoobe, muhiimadda ay leedahay in calanka buluugga ah ee xidigta shanta faraaqood dhexda ku leh la hoos harsado isla markaana madasha laga saaro dhamaan calamada kale ee dawlad goboleedyada iyo waliba kuwa ajaanibta ee dalalka kale.

Wuxuu intaasi ku daray in danta gaarka ah meel la iska dhigo, lagana wada shaqeeyo tan guud si bulshada Soomaaliyeed iyo Qarankaba loo badbaadiyo. ”Calanka buluugga ah ayaa inagu filan” ayuu yiri Axmed.

Ma aha markii ugu horeeysay oo Axmed Madoobe dhawaaqiisauu soo jiito dhegaha shacbiga Soomaaliyeed, waxaana la ogyahay in shirkii ugu horeeyay ee Muqdisho loogu qabtay madasha wada-tashiga, codsi uu ka jeediyay kaas oo ahaa in luuqada Soomaaliga lagu hadlo si sharafta iyo karaamada Soomaalinimada loo ilaaliyo loona dhowro, waxayna sabab u noqotay in shirarkii ka danbeeyay oo kan hadda Kismaayo ka socdaa ku jiro ay madaxdu ku hadlaan Afkooda Hooyo ” Af Soomaali “

Dhanka kale, Axmed Madoobe wuxuu hay’adaha Jubbaland ka mamnuucay isticmaalka luuqadaha qalaad, ayadoo dhamaan qoraalada maalin laha ah uu ku qasbay inay isticmaalaan luuqada Soomaaliga, wuxuuna Dowlada Federalka ka codsaday inay sidaasi oo kale sameeyaan, si loo xoojiyo luuqadda Soomaaliga. Arinta u ol-olaynta Soomaalinimada ayuu Axmed Madoobe ku mutaystay in shahaado sharaf ay gudoonsiiyaan macadka hormarinta Afsoomaaliga xili ay kal hore munaasabad ku qabteen Muqdisho.

Mar kale ayuu ka dhawaajiyay muhiimadda ay leedahay in la helo lacag Soomaaliyeed oo la isticmaalo, halka hada la isticmaalayo lacago qalaad oo dalal shisheeye leeyihiin, sida Dolaarka. Dhaliil culus ayuu jeediyay gaar ahaan ganacsatada ka shaqeeysata cuntada iyo dawooyinka dhacay oo sanadihii dambe soo badanaayay

Mudane Axmed Madoobe waxa uu mudanyahay in la xasuusto isla markana lagu dhaqaaqo fikrada uu soo jeediyay. Waxaa kubaal ah in uu fahmay waxa ay hogaamiyashi hore garan-waayen ama ay ka gaabsadeen.

Shacabka Soomaaliyeed oo u riyaaqay hadalka Madoobe uu ka jeediyay Shirka Madasha Wada- tashiga, ayaa raja ka qaba in madaxda kale ee Soomaaliyeed ay maraan Tubta uu tusiyay Mudane Axmed Madoobe.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment