4035 Views

Shirki Wada-tashiga Kismaayo oo la ismari la’yahay

Shirki Wada-tashiga Kismaayo oo la ismari la’yahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 January 2016: Waxaa xalay magaalada Kismaayo kasocday kulamo ay madaxda Soomaaliyeed uga arinsanayeen qaabka doorashada iyo sida loo soo xulayo Barlamaanka sanadkan.

Dooda waxay u udhaxeeyaa Maamul Goboleedyada, gaar ahaan sadax ka mida sida, Puntland, Juba iyo maamulka K/Galbeed, kuwaas oo aad u kala aragti duwan, islamarkana dana gaar ah wato oo an ku shaqeeyneeyn aragtida shacbiga soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaayaa kulamadan, ayaa sheegaya in madaxdu hada ka doodayso in labada aqal midna lagu saleeyo nidaamka 4.5 kan kalana deegaan.

Muraanka sida uu badanyahay waxa uu u dhaxaysaa madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kala wata labada aragti ee 4.5 iyo deegaan.

Shirka oo maalinti labad galay ayan la ogeeyn sida uu ku dhamaan-doono. Sida laga war qabo sidax fikradood ayaa fadhiga ka muuqato:

  1. In 4.5 wax lagu doorto
  2. Gobol iyo degaan in la qaato, iyo
  3. 2 sano loogu daro Dowlada qaybaheeda.

Bal hala sugo wixi ka soo baxo, in kastoo Shirka Wada-tashigaa uusan ahay sidi la sugaayay.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment