3585 Views

Gudoomiye Jawaari oo ku qasbanaaday in uu la kulmo Baarlamaanka Jubbaland

____________________________________________________________________________

Gud-Jawaari

Muqdisho, 16 January 2016: Maxamed Cusmaan Jawari, Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qaar ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa  kulan is barasho la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland.

Shirkaan oo ka dhacay xaruunta shirarka Daawad ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Mudaneyaasha ka socday Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa hoggaaminaayey Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaana qayb ka ahaa mudaneyaal ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Jubbaland.

Qasadka kulanka ayaa ahaa isbarasho, waxaana ay mudanayaasha baarlamaanka ka wada hadleen sida ay wadashaqayn udhaxmari lahayd labada gole baarlamaan ee federaaliga ah.

Maxamed Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaa hadal uu jeediyey ku sheegay in muhiimaddu tahay wada shaqaynta iyo ka wada hadalka dejinta sharciyada aasaasiga ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ugu baaqay baarlamaanka federaalka inay hogaan fiican noqdaan si ay baarlamaannada federaalka ay ugu daydaan.

Ugu dambeyn, Xildhibaannada labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta Baarlamaanka Federaalka iyo kan Jubbaland.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment