6411 Views

Jaamacadaha SIU iyo St Cloud State University oo heshiis kala saxiixday

____________________________________________________________________________

dacwo-2

Muqdisho, 16 January 2016: Jaamacada SIU ee ku taalla caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Jaamacada St Cloud Univeristy ee  gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa kala saxiixdeen heshiis balaaran oo ku saabsan dhinacyo kala duwan.

 

Heshiiska labada Jaamacadood aya gaareen waxaa ka mid yihiin horumarinta manhajyada jaamacadeed, tababarka macalimiinta iyo in Jaamacada SIU laga furo Koorsooyin lagu baranayo afka Ingriiska oo macalimiin ka socda St cloud Univeristy ay casharo ka bixin doonaan.

Guddoomiyaha Jaamacada SIU Mohamed Ismail Dacwo ayaa sheegay in la gaaray xiligii waxbarashada Soomaaliya lagu xiri lahaa waxbarashda dunida horumartay.

“Waxaa sharaf inoo ah in heshiiskan aan maanta ku matalo Jaamacadda SIU, waxay calaamad u tahay in Jaamacadaha dalka ka jira ay xiriir wax barasho oo mira dhal ah la sameysan karno jaamacadaha dunida horumaray”ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda SIU.

Guddoomiyaha Jaamacada SIU Mohmed Ismail dacwo oo maamulka Jaamacadda la wareegay dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay ayaa bilaabay inuu xiriiro dhinaca kobcinta waxbarashda ah la sameeyo Jaamacadaha Yurub, Mareykan iyo Aasiya.

Jaamacada SIU  ayaa xiriiro dhinaca waxbarashdaha horay ula gaartay Jaamacado caan ka ah caalamka oo ay ka mid yihiin Makarere University, Kenyatta, Umudurman, Gulu, Pioneer iyo  kuwa kale oo badan.

dacwo-1dacwo-4dacwo-5dacwo-6

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment