4419 Views

Shirki Kismaayo oo ila hada an lagu heshiinin!

____________________________________________________________________________

 

2-9

Muqdisho, 16 January 2016: Shirkii  Wada-tashiga Qaran  ee ka socday magaalada KIsmaayo, ayaa laga yaabaa in uu maanta soo xirmo  iyadoo Madaxdii Soomaalidaay isku afgaran weeyda, kadib markii labadii cisho ee u dambeysay lahaayeen kulamo ay uga tashanayeen hanaanka dorashada 2016ka.

Madaxda shirka ka qeyb galeysa ayaa wali ku kala aragti duwan habka lagu soo xulayo Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka sare iyo Aqalka hoose, waxaana muuqata in Madaxda ay maanta ka soo ambabixi doonaan magaalada Kismaayo, iyagoo aanay soo bixin natiijo rasmi ah.

Warar ka soo baxay Kismaayo, ayaa sheegaya in wali Madaxda ay ku kala qaybsan-yihiin fikradahooda kala duwan, sida in Baarlamaanka lagu soo xulo qaab deegaan iyo in lagu saleeyo nidaamka 4.5.

Sidoo kale arrinta kale ee xusida mudan ayaa in aqalka sare ee odayaasha xulistooda lagu saleeyo 18-kii Gobol, waxaana dhinacyada wata fikradaha kale ay qabaan in lagu xulo tiro isla eg oo loo dhan yahay.

Wararka qar ayaa sheegaya in laga yaabo in war murtiyeedka ka soo baxo in katoo aney jiri wax la isku raacay maalmihi shirka socday.

Xaflad xalay ay isugu yimaadeen madaxda shira ayaa la sheegay in uu Madaxweynaha hadal ka jeediyay, kaas oo meelo badan taabanaayay. Qudbada M/weyne Xasan Shekh ayaa laga dhe-dhemiyay in shirka uu Fashi ku dhamaaday cid kastana ay ku dhegantahay geedki ay qabsatay.

“Soomaaliya dib u noqon meyso, meesheedana taagnaan meyso oo wey sii soconeysaa, wax walbo ayaan sameyneynaa oo dadkeenna xilligaan hayaanka dheer lagu jiro ee safarka iyo wadada dhibka badan la marayo, wax kasta oo dadkeena isku haynayo oo isku wadayo oo duruufahaasi dhibka badan wada marsiinaya oo aan qaarna ka tageyn qaarna boholaha ku dhacayn waaye waxa aan dooranay marka sidaas ayaa laga yaabaa in qunyar socod ama wax degdeg nalooga rabay nooga soo bixi waayaan, laakiinse dadka waxaan rabaa inaan u sheego inaysan jirin colaad, kala qeybsanaan iyo kala tag laakiin waxaa jirto talo in la ruugo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa la filayaa in madax sida u badantahay ay ka soo tagi doonaan magaalada Kismaayo ayado shirku sidaas ku xirmi-doono. In shir dambe la isugu imaanayo iyo in kale, dib ayaa laga ogaan-doonaa

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment