5946 Views

Dowladda Soomaaliya oo 50 milyan oo Dollar abaal marin u heshay!

____________________________________________________________________________

IB0A6671-195x110

Muqdisho, 17 January 2016: Dowladda Soomaaliya ayaa abaal marin uga heshay Boqortoyada Sacuudiga Carabiya lacag gaareysa konton malyan oo dollar maalintii ay ku dhowaaqday inay jartay xiriirka diblumaasi ee dowlada Iran.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay heshay dukuminti muujinaya lacagtan la siiyay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin warkan ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

Dukuminti ay u dirtay safaarada Sacudi Carabiya ee magaalada Nairobi safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka muuqday qoraal ah in $20 million ay ku taageerayso miisaaniyada dalka Soomaaliya halka $30 million ay ku bixinayso maal gelinta dalka Soomaaliya.

Qarashkan ayaa waxaa bixinaya sanduuqa u qaabilsan horumarinta ee dalka Sacuudi Carabiya sida qoraalka la arkay kuna taariiqeysnaa Jan 7 oo ah isla maalintii ay dowlada Soomaaliya u jartay xiriirka dalka Iran.

Dowladda Soomaaliya ayaa jartay xiriirka hore ugala dhexeeyay dowladda Iiraan, iyadoo ku eedeysay xukuumada Iiraan in ay faro gelin ku sameysay ammaanka qaranka, waxaana loo qabtay muddo 72 saacadood ah diblumaasiyiinta Iiraan inay magaalada Muqdisho ugaga baxaan.

Reuters ayaa daabacday in wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamed Aaden Ibraahim uu ka gaabsaday in uu ka hadlo lacagtan loogu yaboohay dowladda Soomaaliya, balse waxaa uu sheegay in gargaarka maaliyadeed ay boqortoyada Sacuudiga Carabiya siiso dalka Soomaaliya uusan wax xiriir ah la lahayn mowqifka dowladda Soomaaliya ee dalka Iiraan.

“Xiriirka nagala dhexeeya Sacudi Carabiya waxa uu ahaa mid waqti dheer soo jirey mana aha mid hadda bilowday,”ayuu wasiirku u sheegay Reuters.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Abdusalam Omar ayaa u sheegay Reuters in dhaqaalaha ay ka heshay dowlad Soomaaliya Sacudi Carabiya uu ka horeeyay khilaafka dalka Iiraan.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa bishii October ee sanadkii hore la kulmay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, kadib booqasho rasmi ah uu ka helay Boqortooyada Sacuudiga.

Xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa soo xoogeysanayay, iyadoo horaantii bishan Boqorka Sacuudiga uu ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday Riyadh Sheekh Daahir Maxamuud Geelle laga guddoomay waraaqdii aqoonsiga Danjirnimo, taas oo qax badan fududeeysay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment