4224 Views

Madaxda Soomaalida oo heshiis ku gaaray Shirki Kismaayo.

____________________________________________________________________________

shirrr

Muqdisho, 17 January 2016: Shirkii wada- tashiga Qaran ee Kismaayo ee looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016, ayaa la soo dhameeya, iyadoo Madaxda Soomaalida ee shirka ka qeyb galayay ay isku afgarteen qodobadii la isku diidanaa.

Warar hor dhaca ah ee aan gaarayo, ayaa sheegaya in la isku afgartay in Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5, halka Aqalka sare lagu soo xulo hab deegaan oo ah degmadooyinkii wixii ka dambeeyay 1991.

Sidoo kale waxaa gebi ahaanba meesha laga saaray in aanu jiri doonin mudo kororsi, maadaama labadii maalmood ee la soo dhaafay markii qodobadaas la isku mari la’aa ay soo baxayeen in la sameeyo muddo kororsi.

Waxaa goor dhow lagu wadaa in la soo saaro war murtiyeed ay wada saxiixeen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadasida ay u dhanyihiin.

Madaxda Soomaalida ayaa la sheegay inay isu tanaasul sameeyeen, kadib markii ay adkaatay in is afgarad la gaaro maalmihii shirarka u socday, waxaana ugu dambeyn ay xalka u arkeen in qaabkaasi wax lagu saleeyo Doorashada Sanadka 2016ka.

Wixi nagu soo korha kalkaan kala soco.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment