3459 Views

“Shaqo aan la qaban saddex sano ayaa la rabaa deg deg in hal maalin lagu qabto”

____________________________________________________________________________

 Yuulka-195x110

Muqdisho, 17 January 2016: C/wali Sheekh Axmed oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa walaac ka muujiyay shirarka wada tashi ee la isku mari la’yahay ee ka socda magaalada Kismaayo, isagoo xusay inuu lumay waqti badan oo wax lagu qaban karay.

Mr C/wali Sheekh Axmed oo ku sugan Boosaaso ayaa wareysi uu siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in wada tashiyada hada socda ay yihiin howl aan loo diyaar garoobin, waxaana uu tilmaamay in la isku khilaafsan yahay go’aan la gaaro, ka dib marku shirka socday afarti maalmood oo la soo dhaafay.

“Wada tashiyada ka socda Kismaayo waxaa u arkaa inay tahay howl aan loo diyaar garoobin, waxaa is leeyahay, shaqo aan la qaban saddex sano ayaa la rabaa deg deg in hal maalin lagu qabto, aad baan uga walaacsanahay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed.

Mar la weydiiyay sida uu u arko in hab deegaan lagu soo xulo Baarlamaanka ayuu tilmaamay in marka hore ay aheyd in dalka doorasho dadweynaha codkooda dhiibanaya la gaarsiiyo, balse ay tahay hadii qaab qabiil dib loogu noqdo ay musuq maasuq iyo wax kala gadasho ay dhaceyso, isla markaana wax aan dadka u cuntamin wax lagu soo xulo.

“Aniga ma qabo in wax naga xumaado, laakiin howshan waxay aheyd in mudada aan heysanay in wax lagu qabto, waqti badan ayaa lumay, Soomaaliya si adduunka u dhaqmo si ka duwan uma dhaqmi karto,in bisha Agosto ay tahay in la sameeyo wixii laga fursan waayo”ayuu yiri Mr C/wali.

Mudane C/weli Sheekh, R/wasaarihi hore ayaa mar kale sheegay in mar walba ay caqabado imaanayaan, maadaama aanay dhisneyn Guddiyadii dastuuriga ee marka khilaaf dhaco loo noqdo, sida Maxkamaddii dastuuriga, Guddigii ka hortaga musuq maasuqa iyo guddiyadii sharciga ahaa, isagoo xusay in dhamaan walaacaas ay la wadaageen Madaxda oo dhan illaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu hada ku jiro mugdi, isla markaana loo baahan yahay in looga baxo wax kasta oo lagu bad baadin karo siyaasada guud ee dalka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment