4908 Views

Shirka Kismaayo oo si Dhab ah u Fashilmay.

____________________________________________________________________________

IMG_9086 (1)

Muqdisho, 17 January 2016: Shirka Kismaayo ka socda ayaa wali wax natiijo ah laga gaari la’yahay wana la isku mari-weeysanyahay iyadoo Madaxda Soomaalida ay isku diidanyihiin labo qodob oo ku saabsan qaabka wadada loo marayo doorasho dalka ka dhacda, marka uu dhamaado waqtiga dowladda hada jirta.

Wufuud ka socda Beesha Caalamka ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Madasha Shirka ayada oo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada an wali wax go’aan ah gaari-waayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ee tagay Kismaayo ay ka dalbadeen Madaxda Soomaalida in aanay kala tagin illaa aysan ka gaarin go’aan ay ku mideysan yihiin, waxaana shalay mar lagu sigtay in Kismaayo lagu soo kala tago.

Kulamo gaar gaar ahaa ayaa shalay illaa xalay u socday Afarta Madaxweyne ee Maamul goboleed oo ay wehliyaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana mar walba adkeyd in la isku raaco war murtiyeed loo dhan yahay oo shirka ka soo baxa.

Qodobada qaar ee la isku diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah in Aqalka sare lagu soo xulo qaabka 4.5, halka kan Baarlamaankana lagu soo xulo hab deegaan, waxaana tala soo jeedintaas qaba Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo isku mowqif ah.

Sidoo kale Madaxda Maamul goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo wakiilada kale ee matalaya maamulada aan dhismin ayaa iyana qaba in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Baarlamaanka Federaalka.

Goor sii horeysay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxda qaar ay soo jeediyeen in la sameeyo muddo kororsi, hadii dib loogu laabanayo 4.5, isla markaana Baarlamaanka hada jira loo kordhiyo, si Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne u soo doortaan.

Hase ahaatee waxaa taas ka biya diiday Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku adkeysanaya in aan jiri karin wax muddo kororsi ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda ay haatan ka soo dabceen sidii hore, ayna u badan tahay in saacadaha soo socda go’aan la gaaro, waxaana xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Kismaayo ay cadaadis ku saarayaan Madaxda Soomaalida inay gaaraan go’aan kama dambeys ah oo dalka lagu gaarsiiyo doorashooyin.

Maanta oo Axad ah ayaa la isugu soo noqday,, si loo guda galo waxyaabaha dhimanaa, isla markaana loo gaaro heshiis rasmi ah, balse taasi way suura-geli weyday.

Wararki u dambeeyay ee naga soo gaaray magalada Kismaayo  ayaa waxay sheegayaan in shirkii halkaasi uga socday Madasha Wadatashiga Qaran uu kusoo dhamaaday is faham waa.

Madaxdii ka qeybgalaysay shirkaasi ayaa isaga soo kala tagay magaalada Kismaayo, iyadoo weli waqti rasmi ah aan loo qaban waqtiga kale ee la’isku imaan doono, taas oo manaheeda ay tahay i Shirki Qaran uu fashilmay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo si kooban saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in muddo kale la ballamay, islamarkaana waqtiga rasmiga ah uu sheegi doono marka uu yimaado magaalada Muqdisho. Arintaan iyo haldalka R/wasaare Cumar Cabdirashiid, wuu ka duwanyahay waxyaabihi ay qortay saxaafada wixii ka horeeyay maanta duhurki.

Seddaxdii maalin ee ugu dambeysay madaxda Soomaaliya ayaa isku fahmi la’aa shirkani waxaana doodda ugu xoogani ay ka taagneyd ku kala qeybsanaanta qaadasha nidaamka qabiilka ee 4.5 iyo midka degmooyinka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment