3192 Views

Urur Goboleedka IGAD oo Diidan Mudo Kordhin

____________________________________________________________________________

Danjire-Afey

Muqdisho, 17 January 2016: Ayada oo beryahaan dambe la hadal hayay, in dowladda xilligaani jirta loo kordhiyo waqtiga looguna daro labo sano, ayaa urur goboleedka IGAD oo lashaqeeya Soomaaliya wuxuu sheegay inaysan aqbali doonin in mudo kordhin loo sameeyo dowladda iyo barlamaanka hada jira ee Soomaaliya. Wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa warbaahinta u sheegay in urur goboleedka IGAD uusan marna aqbali doonin mudo kordhin loo sameeyo madaxda Soomaaliya, wuxuuna u sababeeyey go’aankii ay arrintaasi horay uga qaadatay madaxda beesha caalamku. Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in go’aankaani uusan ahayn mid uu gaarey Afey, ama uu gaarey urur goboleedka IGAD laakiin uu yahay goa’an  kasoo baxay golayaasha beesha caalamka oo uu ugu horeeyo xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment