3810 Views

Labo Askari oo ka tirsan DF Somalia oo Muqdisho lagu dilay.

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 18 January 2016: Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkiinley ee Gobalka Banaadir, ayaa sheegaya in xalay laba askri lagu dilay gudaha degmadaasi, lagana qaatay qoryihi ay wateen.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Kuweyd ee degmada Dharkiinley waxaana la ogaaday in dilka ay geysteen dabley ku hubeysan qoryo kuwaasi oo markii danbe horay u qaatay qoryihii ay wateen labada askri ee la dilay.

Sida caadada ahayd ayaa Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliiska goobta soo gaareen ka dib markii uu falka dhacay mana jiraan cid loo soo qabtay dilka loo geystay askartaas ka tirsaneyd ciidamada DF Somalia.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in labada askari ee la dilay ay illaalo u ahaayeen gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in iyaga oo qorya wata ay soo galaan degmada Dharkiinley.

Habka uu dilkaan u dhacay ayaa lasoo sheegayaa in uusan eheyn habka ay wax u dilaan Al-Shabaab waxaana loo maleeynayaa in dilka ay geysteen maleeshiyaad salka ku hayaa beel oo degmada Dharkiinley ku sugan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment