3384 Views

R.Wasaare Cumar oo Cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Ceel-Cadde

R.Wasaare Cumar oo Cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Ceel-Cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho, January 18, 2016 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen fariisin ay Ciidamadda AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada askartii naftooda ku waayay weerarkii Ceel-Cadde, shacabka iyo Jamhuuriyadda Kenya, ciidanka AMISOM waxa ay Soomaaliya u joogaan dib u soo celinta xasiloonida iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa tilmaamay weerarada nafla caariga ah ee ay geysnayaan Kooxaha Argagixisadu in Soomaaliya aysan ka weecin doonin horumarka ay gaareyso, isagoo xusay in guud ahaan dalka laga sifeyn doono waqti dhow haraadiga Nabad diidka.

“Sida muuqata argagixisada waxaa saaran culeys weyn, iyagoo laga saarayo goobihii ay dhuumaaleysiga ku joogeen, taasoo ka dhalatay hawlgallada millateri ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay ka gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa awgeed Al-shabaab waa naf la caari doonaya inay dalkeena dhibaatooyin ka abuuraan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ra’iisul Wasaare Sharmaarke.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment