4812 Views

Wasiirka Arimaha Gudaha oo Maanta Jowhar ku wajahan

Wasiirka Arimaha Gudaha oo Maanta Jowhar ku wajahan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 18 January 2016: C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wafdi la soda ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar, halkaasoo ay taallo gogosha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in wajiga labaad ee shirka la filayaa in maanta la guda galo, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha la kulmi doono odayaasha dhaqanka labada gobol, isagoo kala hadli doona sidii loo dar dar gelin lahaa howsha maamul u sameynta labada gobol ee xoogaa raagtay.

Mudane Odawaa ayaa ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha oo Talaadadii la soo dhaafay furay shirka maamul u sameynta labada gobol, isagoo ka mid ahaa wafuudii aaday Kismaayo ee ka qeyb gashay shirkii Madasha wada tashiga ee natiijo la’aanta ku dhamaaday asaga oo an la isku salaamin.

Waxaa la maleeynayaa in Wasiirka uu ku dhawaaqo jadwalka uu ku soconayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo qaabka loo qeybsanayo ergooyinka, waxaana isa soo taraya cabasho beelaha qaar ka muujinayaan habka wasaaraddu wax u wado oo an u cuntamin.

Ergooyinka qaar oo gaaray magaalada Jowhar ayaa la siiyay kaararka aqoonsiga, balse wali ma soo wada dhameystirmin ergooyinkii ka socday Gobolka Hiiraan oo maalintii furitaanka shirka qeyb ka mid ah timid, halka la sheegay in kuwo kale oo ku sugnaa magaalada Beledweyn ay qaadaceen.

Wararka ayaa sheegaya in ergooyinka la xareyn doono, kuwaasoo soo xuli doono Baarlamaanka, isla markaana ansixinaya astaanta maamulka, calanka iyo magaca uu yeelan doono Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa horay ugu sugnaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo howsha waday.

Ma cadda sida ay u maareyn doonto Wasaaraddu cabashooyinka horu dhaca ah ee soo baxaya, waxaana odayaal ka soo jeeda labada gobol ay ku dhaliileen Wasaaradda inay wax walba oo ku saabsan howlaha shirka ay isku koobtay, isla markaana aan laga tala gelin dadki mudnaanta lahaa.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment