4590 Views

Maafiyadii Socod baradka aheyd!

Maafiyadii Socod baradka aheyd!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 18, 2016 – Saciid waa wiil dhallinyara ah, da’ ahaan waa barbaarta u dhaxeysa labaatan iyo shan jirka ilaa soddan jirka, kana soo hayaamay dalkiisii hooyo. Wuxuu sharciga dal ku joogista iyo soodhaweyn diirran ka helay dalka iyo dadka Talyaaniga. Balse, muddo dheer ka gadaal, waxaa ku adkaatay in uu la qabsado bulshada Talyaaniga, oo ah bulsho ku dhisan hanti-goosadka, la tartamidda waqtiga, kallahaadda maalin walba, iyo qof kasta in uu ku tiirsanaado waxa uu shaqeysto, iyo waxa dhabankiisu u dhididaan in uu quuto. Saciid Waagii ayaa ku baryay, oo wixii uu filayay oo dhan meesha waa ey ka baxeen. Lix bilood ka dib, wuxuu billaabay in uu cuntada iyo qubeyska u raadsado meelaha dadka saboolka ah ey ka cunteeyaan. Maalin kasta waxaa ganaax lacageed u jara shaqaalaha ka shaqeeya gaadiidka dad weynaha, sida, tareennada iyo basaska is kaga dhex goosha dalka gudihiisa.

Markaad aragto Saciid waxaa foolkiisa ka aqrisanaysaa caro iyo ciil uu ka qabo nolasha uu ku jiro, wuxuuna eedda dusha kaga tuuraa dalka uu joogo, hasayeeshee, marna ma eedeeyo naftiisa iyo waxqabad yaridiisa. Si kasta oo uu yeelay waa is ku qaban weysay, tab iyo talo xumo ayaa ciishay, wuuna haleeli waayay dhabbada loo maro nolasha dalka uu ku sugan yahay. Cabasho dheer ka dib, wuxuu ku biiray dhallinyarada sida sharci-darrada ah uga shaqeysata maandooriyaasha, wuxuuna ku faraq xirtay kooxaha Maafiyada ah ee ka beec-mushtara dadka iyo daroogada. Saciid lacag xaddhaaf ah ayaa soo gashay. Dhibka ugu weyn ee heysta ayaa ah in uusan lacagtaas dhigan karin bangiyada dalka uu ku sugan yahay, maxaa yeelay, isha ayaa lagu hayaa xisaabaadka bangiyada. Ka dib la tashi dheer oo uu la yeeshatay maqaawiirta waaweyn ee Maafiyada, wuxuu qaatay go’aan ah in uu maalgashi ku sameysto dalka uu joogo, ganacsina furto.

Xeeryaqaanno ayaa wax kasta u fududeeyay, ilaa uu ku guuleystay in uu furto maxal weyn oo laga heli karo adeegyada Internaydka, iyo agabyada Kunbiyuutarka. Intaas kuma joogsan ee wuxuu ku hoos waday xawaalad lacagaha u kala gudbisa dunida dacalladeeda, siiba si aan sharci iyo qaynuun waafaqsanayn. Waxaas uu falkinayo oo idil qalad iyo xaraan uma garowsano. Wuxuu wax ku diraa qiima isaga u go’an, mana tixgaliyo qiimaha markaas uu Doollarku ka joogo seyladaha dunida. Hanti badan ka dib, Saciid wuxuu beddelay muuqaalkiisa, iyo qaab nolaleedkii, sida in uu sii deysto gar weyn, salaaddana ku tixnaado, adadeeg diineed dheeraadana la soo baxo. Taas oo u aheyd daboolka kaliya ee uu adeegsan karo, kana dhaadhicin karo bulshada uu macaamiisha la yahay in uu yahay qof dhawrsan, oo xalaal-miirad ah, gaar ahaan Soomaalida iyo muslimiinta ey is ku deegaanka yihiin.

Shan sanno gudahood ayuu ku noqday maalqabeen abuuray lacag culus. Wuxuu furtay oo macaamiil fiican la noqday bangiyada dalka kuwa ugu caansan, maadaama uu yahay ganacsade fahmay jawiga. Markii uu maal iyo hanti wuxii uu hayay oo dhan ku qarash-gareeyay dalkii uu sida qaldan uga dhex abuuray, ayaa waxaa iskaashaday ciidanka daba-galka canshuuraha iyo la dagaallanka daroogada iyo unugyada Maafiyada. Waxaa dhacday in habeen siq dhexe gurigiisa loo soo galay, feel dheerna loo dhiibay, loona sheegay in uu maxbuus yahay, waxaa loo gu yeeray magaciisa oo seddaxan, beesha uu ku joogo dalka markaas, iyo deegaanka uu ka soo jeedo Soomaaliya. Waxaa lgu wargaliyay in eray kasta oo afkiisa ka soo baxa uu ku noqon karo marqaati, sidaa darteed uu ka gaabsan karo weydiin kasta oo ciidanku weydiiyaan, xaqna u leeyahay in helo qareen ka difaaca waxa lagu heysto.

Saddax sano ayaa lagu daba jiray Saciid, waxaa la dhageysanayay taleefoonkiisa. Shan iyo tobban Siim ayuu is ka beddelay shantaas sanno godahood. Waxaa si toos ah loo la wareegay hanti gaaraysa kontan kun oo Yuuroo, taas oo ka dhigan wixii uu qabtay oo dhan, iyo isagii oo gacanta lagu dhigay. Waxaa intaas u sii dheer, in la xiray 25 qof oo Soomaali iyo Talyaani is kugu jirta. Hawlgalkaas waxaa loo gu magacdaray “Maafiyadii Socod baradka aheyd”. Saciid wuxuu ku dhex sugan yahay hadda xabsi si culus loo waardiyeeyo, lagu na xiro Maafiyada halista ah.

Waxaa lagu xakumay 15 sanno oo xabsiya, iyo in la la wareego dhammaan hantidiisa. Wuxuu dhalay shan ilma ah, oo is ku xigxiga. Guurkiisu dawladda uma diiwaan gashano, oo loo ma aqoonsano ilmahaas iyo xaaskaba. Sidaas ayey meel cidlaa ugu soo dhacay qoyskii. Maanta ilmihii iyo xaaskii waxey ku nool yihiin dawarsi iyo saboolnimo, isagiina wuxuu ku sugan yahay meel Alle xaalkeedu ogyahay. Dadkii yaqaannay waa wada naxeen, oo waxaa ku soo wada dhacday muuqaalkiisii quraxda badnaay, iyo sida ey diinta uga muuqatay. Waa la xiri karay markii uu howlahaan faraha la galay, balse, waxaa la sugayay inta uu qarashka meelgashi ku sameynayo, si ka dib loo helo qarashkii oo bullaalay iyo in hal mar la wada gurto dheefta iyo dhammaan wixii uu tabcayey shantaas sanno.

.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane . 15/01/2016

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment