3606 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 January, 2016: Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sii jeeda Magaalada Beydhaba ee Xarunta Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed halkaas oo maanta la filayo in lagu Caleema saaro guddoomiyaha Cusub ee Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed iyo Kuxigeenkiisa.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beydhaba Waxaa ka socota qaban qaaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh iyo wafdigiisa, iyadoo halkaas ay horey ugu sugnaayeen Ma’uuliyiin kala duwan kuwaas oo doonaya inay goobjoog ka ahaa daaan xafladda caleema saarka Guddoomiyaha.

Madaxweynaha waxa uga sii horeeya magaalada Baydhabo Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo saka gaaray Baydhabo, asagoo hogaaminaayay wafdi la socday.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment