4287 Views

Qaar ka mid ah Beelaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo Diidan sida loo Xulay Ergada.

Qaar ka mid ah Beelaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo Diidan sida loo Xulay Ergada.
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 19 January, 2016: Qaar ka mid ah beelaha dega gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa saluugay qaabka ay u qeybisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Labada Gobol.

C/maan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada federalka Soomaaliya oo gaaray shalay magaalada Jowhar, ee shirar kala duwan la yeeshay oday dhaqameedyada iyo mas’uuliyiitna maamulka labada gobol ayaa hordhigay qaabka ay u qeybsanayaan beelaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka.

Kulankii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wasiirada kale ee ay la yeesheen odayaasha dhaqanka ayaa ku dhamaaday buuq, waxaana dib u dhac ku yimid shir jaraa’id oo lagu soo bandhigi lahaa habka ay u qeybisay wasaaradda tirada odayaasha soo xulaya ergada, waxaana taa bedelkeed la qeybiyay qoraalo ay ku qoran yihiin habka beelaha loogu qeybiyay.

Qaar kamid ah ergadii hore uga yimid gobolka Hiiraan ayaa isaga baxay xaruntii ay ku xareysnaayeen ee loogu talogalay in ergada lagu xareeyo kadib markii ay maqleen qaabka loo qeybiyay oday dhaqameedyada soo xulaya ergada.

Hase yeeshee wafdiga ka koobnaa wasiirada ayaa u ambabaxay magaalada Beledweyne si beelaha weli diidan shirka ay uga soo dhaadhiciyaan sidii ay ugaga qeybgali lahaayeen shirka ka socda magaalada Jowhar.

Qaar ka mid ah ergadii laga soo daadgureeyay magaalad Beledweyne ayaa la arkay iyagoo sita boorsooyinkoodii oo ka soo baxay dhismaha uu shirku ka dhacayo.

Hadaba waxaa halkan idinku soo gudbinaya sida beelaha labada gobol loogu qeybiyay xubnaha Odayaasha ee soo xulaya ergooyinka soo socda.

ABGAAL——————- 15-XUBIN

XAWAADLE————– 11 XUBIN

GAALJECeL————— 6 XUBIN

GUGUNDHABE——— 6 XUBIN

JAREERWEYNE——– 6 XUBIN

HABARGIDIR———– 5 XUBIN

UDEEJEEN————-   2 XUBIN

MOOBLEEN————  2 XUBIN

DIR———————– 2 XUBIN

SHIIKHAAL————- 2 XUBIN

REER OWXASAN———–2 XUBIN

HILIBI————————-1 XUBIN

YAXAR—————— ——-2 XUBIN

CARAB————————— 1 XUBIN

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment