15582 Views

Rajada cusub iyo Raynraynta Reer Muqdisho.

Rajada cusub iyo Raynraynta Reer Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 18, 2016 – Ka dib colaado baahsan oo ragaadiyay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadii Dalka sanadahan danbe way soo kabanaysaa oo is beddel wayn ayaa laga dareemayaa is beddelkaas oo leh dhinac kasta, Sidaas darteed waxaan jecleystay inaan Qoramdayda kaga hadlo mawduuc aan wali lasoo hadal qaadin kaas oo ah, ISBEDELKA KU DHACAY FIKIRKII DADKA IYO WAXYAABIHII MAANKOODA KA GUUXI JIRAY OO AY MAALIN WALBA KU FIKIRI JIREEN IYO HADAL HAYNTOODA WAXAY AHAYD.

muqdisho+rajada-cusub-2

Sannadihii colaadaha daba dheeraday ka socdeen magaalada Muqdisho dadka reer muqdisho waxyaabaha ay ku fikir jireen iyo hadal haytooda waxay u badneed wax aan dhagaha u roonayn taas oo ah COLAAD IYO DAGAAL.

Dadka ku nool magaalada muqdisho subaxdii waaga markuu baryo waxay ka fikiri jireen markii ay guryahooda kasii baxayaan inuu qof walba si nabad leh ku tagi doono goobtiisa shaqo iyo in kale, qofkasta waxaa murug ka hayn jirtay xaalka Ilmihii iyo xaaska uu gurigiisa kaga soo tagay siduu yahay, ( Malaga muqdisho+rajada-cusub-3yaabaa inuu gadaashaa dagaal xaafada ku qabsaday reerkii iyo in kale?) ayuu qof kasta maankiisa ka guuxi jiray, markaas ayuu tira ka 10 jeer ama ka badan Telefoonka ka waci jiray, sidoo kale wuxuu ka fikir jiray qof walba siduu gurigiisa nabad ugu laaban lahaa, waxaana u sabab ah inuu qof walba sidaa u fakaro Colaadihii iyo dagaaladii baahsanaa ee markaa socday.

ARDAYDA: ubadka wax barta ee ku nool magaalada muqdisho waxyaabaha ay ku fakiri jireen waxaa ka mida saakay DUGSIGII AMA JAAMICADII mala tegi karaa oo jidadkii loo mari lahaa ma ciidamo ayaa goostay oo isbaaroyin ayaa yaal, dagaal miyaa xalay ka dhacay aga gaarka goobtii waxbarasho, ( Ardaydu hadal hayntooda maalmaha qaar wuxuu ahaa Macalim hebel maanta ma imaan karo goobta waxbarasho maxaa yeelay shalay ayaa walaalkii rasaas dishay tacsi ayaa u taal, iyo arday hebel xabad wiifta ah ayaa dishay asagoo gurigooda u socda iyo waxyaabo la mida).

Sidoo kale ma jirin xiligaa xaflado qalin jabin ah oo ay qabsadaan Ardayda markaas Dugsiyada Sare iyo Jaamicaddaha ka qalin jabiy jirey nin walba haddii uu shahaadadiisa gacanta ku dhigo hortiisa ayuu u dhaqaaqi jiray.

muqdisho+rajada-cusub-4

Dhallinyarada Reer muqdisho ma haysan xilligaa goobo ay ku damaashaadan, ku ciyaaraan kuna soo nastaan, balse, waxaaba ku adkayd dhallinta qaarkeed inay guryahooda kasoo baxaan ayagoo naftooda kala cabsanayay dhinacyadii markaa magaalada ku hardamayay. Garoomada kubbada lagu ciyaaro iyo goobaha nasiinada loogu talo galay xiligaa waxay ahaayeen Xarumo ciidan.

Saxafiyiinta ka hawl gala magaalada Muqdisho waxyaabaha u badan oo ay soo tabin jireen waxay ahaayeen Dagaallada ka dhaca xaafadaha muqdisho, iyo is ka hor imaad dhex maray laba beelood ama laba kooxood, sidoo kale waxay soo tebin jirey dableey hubeysan oo halkaa dhib ka geeystay, wax horumara iyo wax yididiilo ah, dhegaha dadka magaaladu ma maqli jirin.

muqdisho+rajada-cusub-5

Weriyayaasha magaalada warka u doonta subax walba mid kastoo ka mida wuxuu ku fikiri jiray ( tolow xalay illaa saaka xaafadee dagaal ka dhacay oo aad war u doonataa si aad Idaacadaada warbixin ugu dirto)hadal hayntooda u bandanna waxay ahayd Dagaal iyo Colaad la soo tabiyo.

Balse saddaxdii ama afartii sano ugu danbaysay xaalka magaalada Muqdisho sidaa muu ahayn ee is baddal wayn ayaa ku dhacay, magaalada muqdisho colaadihii iyo dagaalladii joogtada ahaa ee ka dhici jira wey dhammaadeen, sidoo kale waxyaabihii ay dadku werwerka iyo walbahaarka ku hayn u keeni jireyna waa dhammaadeen maankooda ka guuxi jiray way is baddaleen.

muqdisho+rajada-cusub-6

Dadka reer muqdisho qof walba wuxuu subaxii guriga kasoo baxaa asagoon wax walwal ah ka qabin goobta uu u socdo iyo reerkii uu ka soo tagay, isagoo faraxsan ayuu ka baxaa gurigiisa niyadiisuna degantahay, isagoo faraxsana wuu soo noqda oo warar xiiso leh oo horumar iyo rajo leh soo maqlay.

Ardaydayda wax barata ee waqtiyadan danbe is baddalka magaalada ka dhacay ku sugan ma jirto arday ka walwal qaba siduu goobtiisa waxbarasho ku tagi lahaa, waxyaabaha hadal hayntooda u badanna waxay noqotay: “Maantay jaamicad hebel waxaa ka qalin jabiyay 700 oo arday, oo ka baxay kulliyada kala duwan, bulshadana wax tar u lahaan doono, maanta Dugsiga ama Jaamacadda waa fasax maxaa yeelay maanta waa “Maalin Qaran” oo munaasabad hebla ayay ku beegantahay ama maanta waa: “ Maalinta Macalinka Soomaaliyeed” iyo wax la mida, sidoo kale hadal haynta ardayda reer muqdisho sannadahan danbe wuxuu ahaa Mac’had ama Jaamicad hebla ayaa Koorso ku cusub Dalka kusoo kordhiyay, Taariikh hebla ayayna billaaban doonaa koorsadaas iyo Jaamacad hebel Macalimiin ajaaniib ah oo qibrad sare leh ayay keensatay IWM).

muqdisho+rajada-cusub-7

Dhallinyarada xilligan joogta magaalada muqdisho waxay haystaan goobo ay ku soo dalxiis tagaan, xeebbo ay ku soo raaxaystaan kuna soo damaashaan iyo garoomo ay kubbada ku soo ciyaaraan sida garoonka KOONIS.

Saxaafadda magaalada Muqdisha ka shaqaysa ayaguna isbeddelkii wuu saameeyay, wararka u badan ee ay saxaafada muqdisho tabiso waa Horumarada magaalada ka socda sida dhaqaalaha waxbarashada, iyo shirarka caalamiga ah ee dalka iyo dadka loogu dedaalayo IWM.

Xiligan la joogo saaxafadda muqdisho waxay soo tabisaa, warar ay ka mid yihiin: goobo ganacsiyo iyo Hoteello hor leh oo magaalada laga furay, Arday Dugsiyo iyo Jaamicaddo ka qalin jabiyay, Dhismayaal dowladeed oo la xarig jarayo, Wadooyin cusub iyo dhismayaal cusub oo la dhagax dhigayo, Shirar heer caalami ah oo Muqdisho lagu qabanayo, wufuud heer caalami ah oo kasoo dagaya gegida dayuuradaha ee Muqdisho, munaasabado lagu maamuusayo Maalmaha Qaranka iyo warar kaloo la mida oo ku saabsan nabadda iyo horumarka Caasimadda Muqdisho.

 muqdisho+rajada-cusub-10

Inuu is bedelkaas aan kor ku soo sheegay ku dhaco dadka reer Muqdisho waxa u sabab ah Nabadda iyo xasiloonida ammaan ee Ilaahay ku manaystay Magaalada Muqdisho, Ilaahay waxaan ka baryayaa Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka iyo Tuulooyinkaba inuu Nabad iyo daganaansho ugu deeqo, horumar iyo baraare iyo barwaaqana inuu Ilaahay gaarsiiyo, Caasimada Muqdishana inay la tartanto Caasimaddaha dunida Aamiin Aamiin.

muqdisho+rajada-cusub-9

Gunaanadka qormadayda waxaan ku soo xirayaa Hees uu curiyay Hal abuur C/raxiim Hilowle Galayr heestaas oo la yiraahdo ( Xaruntii dalkayga) uu ugu Ducaynayo Magaalada Xamar ( Muqdisho) waxaana ka mid aH ereyadeeda:

 

  • Xalaybaan riyoodoo 
  • Anigoo magaaladii xamar 
  • Xamarweyne hoosiyo
  • Xeeliga shangaaniyo 
  • Xaruntii dalkayga .

 

  • Xaragiyo dalxiisiyo
  • Xiisaha ku marayaan 
  • Xubin dhexe baraarugay.

 

  • Xamareey ifiyo nolol
  • Xasilooni iyo guul 
  • Xurmaan kuu baryaayoo
  • Xaakim kaaga tuuga.

 

  • Inaad Xanaf colaadiyo 
  • Xinjir kugu dhex qubanba 
  • Xumaan aadan arag baan 
  • Xaakim kaaga tuugaa.

 

  • Xamareey Banaadireey
  • Muqdishaay Xamareey 
  • Xamdi mahade eebahay 
  • Ilaahay haku xafido
  • Aamiin Aaamiin.

 

.

Sakariye Cabdixaliim Maxamed

Zakicade92@gmail.com

Muqdisho Soomaaliya.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment