4521 Views

Shir xasaasi ah oo ka Dhacay Villa Somalia

Shir xasaasi ah oo ka Dhacay Villa Somalia
____________________________________________________________________________

 

 

Muqdisho, 19 January, 2016: Shir xasaasi ah ku ay iskugu yimaadeen xubno ka socda Beesha caalamka iyo sadexda masuul ee ugu saraysa dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtoyada Somalia (Villa Somaliya) ee magaalada Muqdisho.

M/weynaha DF Somalia Xasan Sh. Maxamuud,  Ra’iisul wasaare Cabdirashiid C. Sharmaarke iyo Afhayeenka Baarlamaanka, Maxamed Ismaaciil Jawaari ayaa kulan ay uga xog waramayaan Shirkii Kismaayo ee natiijo la’aanta uu ku dhamaaday la yeeshay wakiilo ka kala socday Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, UN, AU iyo urur goboleedka IGAD.

Madaxdu waxay sheegtay inaysan wax heshiis la taaban karo ku gaarin Kismaayo, laakiin taasi ayna ahayn inaysan madaxdu heshiis gaari doonin. Waxay gogoshii Kismaayo ku tilmaameen mid muujinaysa sida Soomaalidu ugu bisishahay wada hadal iyo wada xaajood in lagu dhameeyo kala duwanaanshaha afkaartooda, taasi oo gundhig u ah bay dheheen hanaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya ka hanaqaadaya.

Dhanka Beesha caalamka ayaa dhagaysi kadib xogta ay siiyeen madaxda qaranka waxay booriyeen in hogaanka dawladda federaalka iyo madaxda dawladda goboleedyada looga baahanyahay inay heshiis ka gaaraan qaabkii doorasho uga dhici lahayd dalka bisha Agoosto ee sanadkan 2016-ka.

Beesha caalamka ayaa kal hore muujisay sida ay uga niyad jabsantahay hogaanka siyaasadda ee dawladda federaalka, waxayna wali ku adkaysanayaan inaan hal maalin lagu darin waqtiga ka dhamaanaya laamaha fulinta iyo tan Baarlamaanka.

villa

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment