Thursday, 25 April 2024
7668 Views

Garoonka Kubada Cagta ee Banadir” Koonis ” oo laga joojiyay Ciyaarihi ka socday.

Garoonka Kubada Cagta ee Banadir” Koonis ” oo laga joojiyay Ciyaarihi ka socday.
____________________________________________________________________________
Muqdisho, 20 January, 2016: Mudane Cismaan Aadan Dhuubow oo ah Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in shaqsiyaad ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ay sameysteen warqado lagu urruuriyo lacagaha dadka u soo daawasho taga garoonka Banaadir stadium, kaasi oo u ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah, oo aan waafaqsaneyn sharuucda u degsan Wasaaradaha Maaliyadda, Isboortiga iyo xafiiska Hanti dhowrka, ayna kal hore uga digeen inay isticmaalaan warqado si gaar ah loo sameystay.

Wasiir ku-xigeenka oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay xafiiskiisa ayaa xusay in Wasaaraddu ay dooneyso in waxkasta ay noqdaan mid sharciga waafaqsan, isla markaana aan la ogolaan doonin in wax sharciga ka baxsan lagu dhaqmo, mas’uuliyadda ka saaran Wasaarada waxa intaa ku daray inay muhiim tahay in bahda isboortiga ay sharciga u hogaansamaa

Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa ugu baaqay bahda isboortiga ee dalka inay iska soo diiwaan geliyaan xarunta Wasaaradda oo ay keenaan dokumentiyo sax ah, si ay u helaan ogolaansho ku aadan horumarinta Isboortiga dalk

Joojinta howlihii isboorti ee garoonka kubadda cagta banaadir stadium ayaa ah mid lagu doonayo in lagu saxo, laguna maareeyo warqadaha dadka lacagaha looga qaado ay noqdaan mid sharciga waafaqsan, isla markaana markii la saxo arrintan uu garoonka dib uga bilaalan doonto howlihiisa horumarinta isboortiga.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment